|
Written by Administrator
|
Anagu waxaan dhamaanteen soo wada marnay safar isku mid ah laakiin daariiqyo kala duwan baynu qaadanay. Qaarkeen halgan bay bilawgii ku bilaabeen ama ka dib markii ugu horaysay ee ay qof khaniis ah isla seexdeen iyo qaar weli hadda la loolamaya.
Safarkani dad badan buu gaadhsiiyay meel jar u dhow qaarna meel ay dhimashadu ka tahay jaawaabta kali ah. Qofna ma odhan inay tani noqon doonto tamashlayn beereed, tani waa Khaniisnimo.
Waayo aragnimadaydu waxay ka bilaabantay meel madaw iyo qabow ah halkaas oo aan anigu cidla ku dareemay laakiin meeshani may ahayn meel aan aqiin ama meel aan wax arki karo ama taaban karo. Waxay igu keentay dareen quwad leh, halkani waa meel inagu dhex jirta waana halka aynu kula halgano sidii aynu sireheena iyo dareemadeena ku qarin lahayn. TANI WAXAY AHAYD MASKAXDAYDA!!! Anigu qiyaastii waxaan ahaa 13 jir markii iigu horaysay ee aan bilaabo in aan wiilasha si kale u fiirsho. Waxaan si tartiib ah u bilaabay in aan aqbalo fikrada ah in ay dhici karto in aan ahay khaniis, laakiin way adkayd sababtuna waxay ahayd meelkasta oo aan eego waxa kaliya ee aan arkaayay waxay ahayeen dad kala jinsi ah oo lamaane ah. Waxay ka muuqan jireen talefisiyoonka, basaska iyo xitaa iskuulka….. wiilasha yar yari waxay bilaabeen inay gabdhaha si kale u fiirshaan iyo iyaga oo bilaabay inay ka haldaan wasmada.
Anigu waxaan xasuustaa aniga oo fiirsanaaya qisadii Dawson’s Creek markii Pacey u bilaabay inuu jacayl la bilaabo Joey, dabadeed taas baa igu keentay fakir ana ma inaan sidaas ahadaabaa? Miyaa la’iigu talo galay in aan dareemo waxaan dareemaayo? Laakiin waxaan ku fikiray in aanan anigu samayn karin Muslimna ahay. Aduu qiyaastii sanadkaa intii ka hadhay niyadaydu way kala daadsanayd, 1 daqiiqo cirkaan maraayay ka xigana waan murugaysnaa, ilaa iyo maalin anigoo liita ayaan naftayda ku taxaluqay in aan muraayada isku fiirsho oo aan naftayda u sheegay ‘Anigu khaniis baan ahay waxaanan jecelay raga aniga iyo Ilaahayna waan ognahay in aanan anigu dooran in aan noqdo khaniis laakiin iyana sidoo kale noqon karto dhalasho oo aan anigu noolaado noloshayda, wixii aan sameeyaana noqdaan wax naga dhaxeeya aniga iyo Ilaahay’ caqligaa isku midka ah baan ilaa iyo maantadan haystaa.
Bilawgii aniga iigu horaysay een aan soo banaan baxo waxay ahayd markii walaashayda iga wayni ka heshay kumbuyuutarka shay khaniisiinta ku saabsan…Aniga ayaa wax aad u yar bilaa taxadar noqday oo ilaabay in aan tirtiro taariikhda shebekadahii aan booqday marka waxa aan go’aansaday in aan u sheego waxaan u galmoodo. Ka dib markii aan iyada u sheegay way oyday iyo iyada oo bilawgii ka helin fikrada ah in walaalkeeda yari yahay khaniis laakiin jacaylkay ii haysay baa ka indho tiray taa. Waxa kamida waxyaabaha ugu fiican in ay iyadu i ogtahay inaan awoodi karno inaan ka sheekaysano xiriirka laba qof ka dhexeeya, raga, soo adeegashada iwm...laakiin soo baxis kastaa maaha mid rajo leh. Haddii aad rabtid inaad ogaatid waxay saynis yahanadu ka yidhaahdaan jihada galmada gaar ahaan khaniisnimida fadlan dhag-dhag ka sii isku xirkan http://www.apa.org/topics/orientation.html maadama ay tani kuu hogaamin doonto caqli galka Ururka Cilminafsiga Maraykanka.
|