You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?
The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles. Go on, give it a go.
Qarintii Xogtayda iyo Qancintii Naftayda
Posted by Waranle
Qabowgu wuxuu ahaa mid ka muuqanayey qaabka aan u fadhiyo, waa mid kamid ah buuraha dhaadheer ee webigu dhex maro, hoos ayaan u eegay cagaarka dhulka wadhan ee ka muuqanayey ilaa iyo ili ka aragtay, cirka waxaa ka muuqanaya daruuro cad cad oo goos-goos ah, buuraha qaar waxay lahaayeen midabka buluugga fogaantooda darteed. Waa keligay oo dhulka ul ku xariiqaya, hamiga iyo walbahaarku waa igu badan yahay wuxuuna ahaa mid weligiisba ku dherersanaa noloshayda derisna la ahaa. Geedaha igu hareeraysan ayaan hadba inta aan laan ka soo jabsado ku tuurayey biyaha webiga ee dhawrka tallaabo ii jira, si ay laantaasi u sii raacdo rucubtayda ubaxa ah ee ay biyuhu sitaan, kuwaas oo ka soo go?ay dhirta dhaadheer ee jiqda ah.
Keligay ayaa sheeko isugu filan, afkayga suugaan dhinaca caashaqa ah lagama waayo, gabayo iyo geeraarro ayaan intaa ku dhex tirinayaa qolo aan iyagu i af garanayn, mararka qaarkood waanba is ilaawaa oo si cod dheer ah waxyaabahaas ugu hadaaqaa, say yidhaahdaan maxaad ka wadaa waxan iyo waxan; waxan ku idhaahdaa waa wax suugaan ah laakiin marka la fasiro la idinku dabaqi karo oo loo maleeyo in idinka la idiin tiriyey, suugaanta aan xulanayey waxay mar walba ka tarjumeysey diidmo, saluugid ama khilaaf.
Raadadka uu wareerku (stress) ku reebay naftayda qaar si dhab ah ayaan uga arkayaa naftayda, xusuustaydii la yaabka lahayd ugu yaraan kala badh way luntay, firfircoonidaydii waax dhan baa maqan, fiiro dheeridaydii in yar baa ka nool, waxaa iga lumay miisaankii caqliga, taas oo ka qarsoomi weydey qof kasta oo garaad leh oo i yaqaanney yaraantaydii.
Waxaa ii taallay hawl ka badan midda u taal wiilasha asaagayga ah, waxaa fulin iiga baahnayd shaqo ka badan midda ay iyagu hayaan, waxaa ka fekerid iga rabta arrimo culculus oo aanay iyagu fahmayn, sidaa darteed waxaan ahaa qof ka kooban labo qof, ama haddii aan si kale u iraahdo qof ku nool laba nololood oo is diidan.
Malaha haddii aan ka sheekeeyo tobankii sano ee ugu dambeeyey noloshayda iyo habkii aan u maarayn jirey duruufahayga, malaha abaal marin baa la igu siin lahaa yaase i og? Yaase mudan in uu i ogaado oo u qalma xogtayda? Ma waxaan ahaa kan ugu kartida badan ama ugu caqliga badan ama ugu is bedbedelka badan?, maya intaas oo dhan dad badan oo igaga wacnaa ayaan aqaanney.
Mararka qaarkood waxaan karayey in aan saacad gudaheed cadowgayga u beddelo saaxiib, saaxiibkaygana u beddelo cadow, waa tii Soomaalidu tiri ?Caqligaaga oo bata saaxiibadaada ayuu yareeyaa? meelaha qaarkood iyo mararka qaarkood dhaqanka tuugga ayaan lahaa; ma jeclaysan jirin in qofku horay ka ogaado magacayga dhabta ah; sidoo kale tuuggu ma jecla in magaciisa la shaaciyo, ma jeclaysan jirin in isla markiiba la ogaado guriga ama hoteelka aan ku noolahay, ma jeclaysan jirin in qabiilka aan Soomaalida dhexdeeda ka sii ahay laga war helo, sidoo kale tuugadu intaas oo dhan ma jecla.
Laakiin maxaa ugu wacan oo aan galay, dembigaygu imisuu dhammaa? Maxaa kallifayey in aan mararka qaarkood oohin qalalan oo aan keli ku ahay oo aan ciirsi lahayn ooyo, marmarna farxad iyo murugo ay daqiiqado u dhexeeyaan aan dhex dabaasho.
Maya aniga oo aan danbi layn (innocent) baan dhashay welina sidaas inaan ahay ayaan isu haystaa, laakiin deegaanka (environment) ayaa masiibadan masuul ka ah, deegaanka sida aan u fekerayo waa la?iiga tiro badan yahay, sidoo kale sida aan jeclaa in aan u noolaado waa la iiga tiro badan yahay, markaa waxaan ku khasbanaa in aan sida ay raalliga ka yihiin aan u hoggaansanaado, waayo habka aan u fikirayey waxaa dadku ay u yaqaannaan ?habkii dadka xumaaday?. Haddii la ii arko in aan kamid ahay ama ku biiray ?dadka kharibmayna? wax badan oo aan lumin karayo ayaa jiri doona. Tacadiyo in la igu sameeyo ama si xun la iila dhaqmo isha baalkeeda waa ay ka fududdahay, mana lihi awood aan isku difaaco oo aan xaqayga kaga hadlo waana sababta la iiga faa?iideysanayo.
Haddii aan halgan sameeyo oo aan dibadda u soo baxo maxaa dhacaya? Kolley dadka madowba beri ayaa loo yiqiin ?dadkii xumaa ee addoonta ahaa? maantana ninka adduunka ugu xoogga weyni waa nin madow (Barak Obama), taasiba sow isbeddel ma aha, habluhu doorashooyinka kama qayb geli jirin go?aanna may lahaan jirin xilli aan fogeyn ka hor, meelaha qaarkoodna noloshaa lagu aasi jirey maantana madashii ay ka maqan yihiin waa madal aan loo dhammayn, waxaanay xukumaan dalal iska idil taasiba sow isbeddel ma aha. Soomaalida dhexdeeda beelo si xun loo hayb sooci jirey ayaa jira, weelka ay wax ku cunaan la tuuri jirey, gabdhahooda aan la guursan jirin, hadalkoodu aan la qiimayn jirin, dariiqyada lagu caayi jirey, dadkuna ay hoos u eegi jireen, maantana ugu yaraan waxaa la gaarey horumar ay dadka kaga mid yihiin inkasta oo ay weli muuqdo raadadkii hayb sooca ama faquuqa ee lagu yasi jirey, sow ma dhici karto in maalin uun ay khaniisiintu si xayi iyo xornimo ah ugu dhex noolaadaan bulshada Soomaaliyeed. Ereyadaas khiyaaliga sawir maskaxeedka iyo mala awaalka u badan ayaan marmar isku maaweeliyaa.
Waxaan la yaabi jirey marka qolo galbeedka ka tirsani ay si toos ah u sheegto in tartanka doorashada madaxtinimada waxyaabaha lagu gelayo ay kamid tahay xuquuqda khaniisiinta (gay rights), waxaan odhan jirey berigii hore oo xuquuqa khaniisiinta (gay rights) maxay doorashada madaxweynaha ka taraysaa, laakiin hadda ayaan ogaadey in wax dhan oo dadka adduunka ka mid ah ay khaniisiintu (gays) yihiin, una baahan yihiin xuquuq ay dadka kale kula noolaadaan. Sidoo kale berigii hore waan ka xishoon jirey ereyga xuquuqda khaniisiinta (gay rights) laakiin maanta noloshayda ayey taabatay, aniga yaa u baahan in la ii dhaq-dhaqaaqo cid kale iska dhaafe oo aan xaq u yeesho in aan shaqooyinka la igu foolxumayn (stigmatised), in aan iskuulka la igu hayb soocin, in aan guriga la igaga saarin kan aan ahay darteed, iyo dhammaan xuquuqaha kala duwan ee aasaasiga ah ee uu aadamigu u baahan yahay. Waxaa i sii niyad jebiya in xitaa waddamada heerka xuquuqda aadanaha ka horumaray ee galbeedka ay weli khaniisiintu bar tilmaameed (target) la waxyeelleeyo ay yihiin. Waxaan naxaa marka la yiraahdo dalalka midawga koonfurta markaynka (South America), daqiiqad kasta khaniis baa lagu dilaa bal malee (every single minute), sow markaa xasuuqu (disaster) meel kasta kama jiro maxaan Soomaalida ula yaabi iyagaaba caymis qabiil iyo ilma adeernimo ku kala dambeeyee.
Anigu nasiib baanba leeyahay haddii aan intaa nolol ku soo gaadhaye, qaar badan oo aan dookha walaalo ka nahay ayaa u geeriyoodey waxyaalo ka dhashay iskubuuqid (depression) iyo wareer (stress), kadib markii ay xamili waayeen in ay ku noolaadaan labada nololood oo is diidan, ama laba adduunyo oo iska soo hor jeeda isla markaasna ay naxdin deris la noqdeen. Qaar kale ayaa waashay ama maanta u dhexeeya waalli iyo miyir qab.
55% waxaan ku guuleystey inaan is oggolaysiiyo labadaa nololeed oo aan ku dhex noolaan lahaa bulshada dhib kastaa ha iga soo gaadhee, 45% waa ku fashilmay oo way ii suuroobi weydey, dibaddena waan u soo baxay.
Nimuu caashaq qalayana, sir ma qarin karaayee, dareenka qotada dheer waxaan isku arkay markii ay da?daydu ku sinnayd 17 sano, ?Jacaylkii markaan yaraa i maryacay ee i helay? waxana ka dhex jeclaaday iskuulkii aan wax ku baranayey mid kamid ah ardayda oo lagu magacaabi jirey Nuur. Mr Nuur kalgacayl dhab ah ayaan u qaaday, waxana jacaylkaas ii dheeraa waayo aragnimo la?aan aan ka haystey noloshan, sidaa darteed haddii uu isaga laftiisu su?aalo i weydiiyo ama dadku ay i weydiiyaan waxa aan ka rabo Nuur kamaanan jawaabi karayn, waana sababta ay dad badani ugu fasireen xidhiidhka ka dhexeeya aniga iyo Nuur in uu yahay mid ay ka buuxaan waxyaabo la qarinayo oo la rabo in meel adag lagu hayo.
Run ahaantii inankaasi si dhab ah ayuu ii qaabilay hase yeeshee isaga laftiisu waxaa uu layaabbanaa ilaa iyo heerka aan jeclaaday iyo waxa aan uga jeedo jacaylkan indho la?aanta ah ee i haleelay ee aan hadh iyo habeen ka seexan waayey, la?aantiisna aan joogi kari waayey, xitaa aan gaadhey heer aan cuntada cuni kari waayo ama aan magaalada u bixi waayo ilaa aan arko si aannu wada jir ugu lebbisano oo aannu isu raacno.
Ikhiyaarey jacalka aan u hayey Nuur oo ahaa mid aan si ba?an ugu haftay ahaana kii iigu horreeyey ee aan noloshayda arko, aniga laftaydu maanan garanayn xilliga uu i haleelay iyo heerka xadka aan doonayo in uu jacalkaasi gaadhsiisnaado.
Muddo afar sannadood ah ayaan mataanno habeen iyo maalin wada socda ahayn cishqigaasi aannu wiilka ku walaalowney xaggiisa waxaa ay ka ahayd walaaltinimo ilaa bilihii ugu dambeeyey ee muddadaas uu dareen xoog leh taabtay, mana uusan garanayn meel uu u qaado arrimahayga iyo xaalka na dhex yaal ee fogaadey.
Waxaa uu markii dambe bilaabay in uu ixtiraamkii uu ii hayey yareeyo, wanaagga xadka dhaafay ee aan u qabeyna uu doqonimo xaggayga ah u qaatay se aan u qaadi jirey ?Ee taa namdiga geli oo soo noq-noqoshada hayga moodin nacasnimo, anna haddii aan ku naawiley, naqba waa la dhawraa nasibku haygu kaa simo?, waxse kuma qaadan, ee wuxuu bilaabay in uu u bato oo uu xoogga saaro asxaabtiisii dhinaca toosan ahaa.
Markaas ayaan bilaabay inaan go?aan ka gaadho oo aan idhaahdo ?hadduu nediga caashaqu halka aan ka nugulahay nabar ilaga tiigsadey, oo hiil naruuriyo nabad la ii gargaarana nidarkeedii baaqsaday, adiguna nasteexiyo nacabkaaga kala garan, naf ku jecel Allaa baday?.
Sheekooyin xiiso leh oo inankaas ka dambeeyey ayaa i soo maray sidoo kale in badan oo sheekadan kamid ah ayaan ka tegey, sababta oo ah waxaan uga cudur daartay shaacintooda, aragtida qaar kamid ah dadka boggan wax ku qora oo xumaan (offensive) ku tilmaamay in dhinaca gogosha laga hadlo. Waan soo dhoweynayaa aragtidaas waana ixtiraamayaa hasa yeeshee waxaa hubaal ah in qof khaniis ah oo la yiri waayo aragnimadaadii iyo wixii ku soo maray noo sheeg, hana ku darin dhinaca gogosha iyo isku cindanaantiinii in ay sheekadaasi noqoneyso sidii ubax la yidhi biyaha ha laga dheereeyo oo yaan la waraabin, ?Wixii diinta wax u dhima miyuu iiga digayaa marna igu dirqinayaa haddii loo kitaab dayo?.
sxbkeen waranle mudo badan ayaan kaa sugeynay inaad qisadan dhamey tirto laakiin waxaa laga yaabaa inaad aqrin ama aadan soo galin bogan
IP: 94.129.156.20
Registered
2. 25-12-2009 20:09
yaa salaaam / waranle brother waa ku salaamayaa adiga & dhamaan bahda waxan si qaasa kaaga codsan lahaa inaad dhameystirto qisadan cajiibka adiga isku dayaayo inaad xoogaa waadixiso meelaha qaar sxb runtii waxad istaahishaa inaan kuugu yerno ( cabqari ) sida aad sugaanta ugu dartay qisadaada cajiibka ah brother bal isku day inaad dhibaatooyinka aad soo sheegtay ee naga haysto bulshadena dhexdeeda hadii ay leeyihiin wax daawo ah mise waxan u deynaa waqtiga ?
IP: 94.128.77.161
Registered
3. 09-12-2009 15:36
waranle bro salaan qaas ah adiga iyo dhamaan bahda kadib waan ka mahad celinayaa qoraalkaada qiimaha badan plz soo dhameystir sida uu sheegay sxbkeeyn ( daacad ) qofkii kale ee haayo qisooyin dhacay hanoo soo gudbiyo si aan ugu dayano laga yaabee inaan wali u baahanahay qaarkeen dheeri gelin dheeraad ah
IP: 94.128.87.187
Registered
4. 05-08-2009 22:19
Runtii sheekadani waa sheeko murtiyaaysan in kasta oo bilowgii hore ee shaakada aan fahmi kari waayay ujeedada sheekadu ay ka hadlayso hadana waxan u bogay hab dhaca sheekada oo ah mid suganaysan, waxa kale oo aan ogaaday in ay jiraan Somali badan oo Khanisiin ah oo hab qorkoodu fican yahay in ay jiran marka waxan ku dhiiri galinaya qof walba oo sheeko haya in u soo bandhigo, ugu danbayntii waxan uga Mahadnaqaya Waranle iyo akhyaarta kale ee sheekoyiinka qortayba dadaalka ay ku bixinayaan in ay soo bandhigan waayo aragnimadooda oo aan hubo in aanu wax badan ka fa'iidaynsanayno
IP: 92.32.20.241
Registered
5. 27-07-2009 18:24
sxb sheekadaan waa mid jacayl badan ku dheehan yahay. inkasta oo ay tahay mid aad u gaaban oo in tii sheeko lasoo koobi karo aad kobtay in aad kusoo darto wakhtida iyo goobta ay ka dhacday qisadu.
IP: 82.132.139.34
Registered
Only registered users can write comments. Please login or register.
If you want to know about this subject please click on this link: http://www.avert.org, It will lead you to AvertT which is an international HIV and AIDS charity based in the UK, working to AVERT HIV and AIDS worldwide.