Login Form






Lost Password?

 

(Eraygii sirta ahaa oo Lumay?)

 

No account yet? (Wali isma qorin) Register (Isqor)

Article Submission

You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?

The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles.  Go on, give it a go.
 
Saamaynta bey’addu ku leedahay nolosha khaniisiinta Print E-mail
Posted by Administrator   
Waxay la barbaareen wiilasha asaaggooda ah, waxana soo koriyey waalidkood oo si aad ah u jecel, waxay dadka kala mid yihiin wax kasta oo kale, weliba meelaha qaarkood waabay kaga fiicnaayeen bulsho badan oo isku sheegta iney yihiin kuwa toosan.
 

Anshaxii, edebtii, ixtiraamkii iyo is dhawriddii uu waalidkood iyo macallinkoodii ku soo barbaariyey weli kamey tegin; waxay ku haminayaan wax kasta oo uu qofka kale uu hiigsanayo, sida iney mustaqbalka noqdaan, qoraa, saxafi, siyaasi, ciyaartoy caan ah, fannaan caan ah, ganacsade caan ah, falsaf yaqaan, dhakhtar, macallin, Injineer iwm, kamana aanay tegin iney gaaraan hankaas.


Laakiin maalmuhu waa is daba joog, dabaylaha wakhtiguna waa kuwo is bedbeddelaya, maalin walba khaniisku hal xaraf ama hal erey oo dhinaca dhaqanka ah ayuu ka baranayaa bulshada uu ku dhex nool yahay ee looga tiro badan yahay. Waxyaalaha uu deegaankiisa ka bartay ee maalin walba dhegihiisa ku soo dhacaya waxaa kamid ah in KHANIISNIMADU, ay tahay waxa ugu xun ee uu qof noqdo, wuxuu maqlayaa dad badan oo leh ninka ragga ah; aalkoliiste waa noqon karaa, tuug waa noqon karaa doqon waa noqon karaa laakiin khaniis ma noqon karo looguna dul qaadan maayo.
 

Waxaa ku dhacaya argagax iyo yaxyax, wuxuu si inyar inyar ah u aaminayaa in waxaa uu jecel yahay ay tahay waxa ugu xun ee dadku ay ahaan karaan, waayo waxaa loo sheegay in uu xitaa ka liito inta aan kor ku soo sheegnay oo dhan, sidaa darteed waxaa uu halis ugu jiraa inuu ka tago wixii wanaag ahaa oo dhan gaar ahaa xilliga barbaarnimada ee da’da u dhexaysa 17 ilaa iyo 25 jir.


Haddaba, haddii khaniiska yari aanu helin dad waaweyn oo wax bartay  oo khaniisiin ah wuxuu ku dhacayaa gacan halis ah, weerarka ugu horreeya waxaa ku soo qaadaya deegaanka ama bey’adda oo ku leh ‘waxaad tahay kan ugu xun ee xitaa xayawaanka ka liita, waxaad tahay dulli’, wuxuu arkaygaa isaga oo ay farta ku fiiqayaan oo ay xamxam leeyihiin waxna ka sheegayaan kuwo uu isagu macallin u noqon karo dhinaca kartida iyo aqoontaba, haddii aanu helin talooyin iyo tusaale wuxuu u dhow yahay inuu dulloobo oo uu u hoggaansamo sidii dadka uu la noolyahay ay rumaysnaayeen.
 

Hab nafsaani ah ayuu u baaba’ayaa ileyn waxaa loo sheegay in uu dadka dunida guudkeeda saaran uu isagu ugu liito, markaa in badan oo khaniisiinta kamid ah ama badankooduba waxay laabta iska odhanayaan “oo wixii aan bartay iyo wixii aan higsanayey maxay tari, haddii aan ahay wax xun oo qashin qubka in la dhigo istaahila”.
 

Xitaa haddii aan u dhashay abwaan, xiddig caan ah oo meel uun ku fiican, ama xirfadle sare, waxaas oo dhan waxba tari maayaan iley khaniis baan ahaye, shaqada aan helo marka la i ogaado ayaa la iga eryi, guriga aan joogo marka la iga war helo ayaa la iga saari, waalidkay iyo saaxiibbaday iyo qaraabaday markii ay ogaadaan xaalkayga ayey i dayrin.


Arrimahaas oo dhan ayaa soo food saaraya qofka khaniiska ah ee Soomaaliga ah, waana sirta ka dambeysa in tirada khaniisiintu ay tahay mid aad u badan, tayadooduna ay tahay mid kooban ama dadka wanaagsani ay ku yar yihiin, waayo si nafsaani ah ayaa loo baabi’iyey.
 

Anigu waxaan arkay khaniisiin badan oo Soomaaliyeed oo tuugo ah, qaarkoodna ay noqdeen dadka maandooriyaha isticmaala, marka aan weydiiyey waxaa ay isaga deyn waayeen caadooyinka xun xun waxay iigu jawaabeen “oo yaan ka naxayaa awalba khaniis baan ahaaye” weedhaas oo ah in uu qofkii is dhiibey oo uu isu dhiibey wixii ay dadku sheeg sheegayeen; taas oo macnaheedu yahay in ay ayideen wixii deegaanka ka jirey ee ahaa in khaniiska iyo doofaarrada iyo eeyaha iyo duur joogtu ay isku qiimo yihiin.
 

Qaarkood ama in badan oo kamid ah wax ma akhriyaan waxna ma qoraan, waxanay waxbarashada joojiyeen kadib markii dadku ay u sheegeen in ay khasaaro yihiin, qaar badan oo wanaag u dhashay waxay doorteen jidkii xumaanta, kadib markii ay rumeeyeen in aanay mustaqbal wanaagsan heli doonin dadkana ay iyagu  ugu xun yihiin oo ay meel xun ku dambayn doonaan.
 

In badan waxay ku nool yihiin cabsi waxanay la socdaan in maalin walba khaniis la garaaco, la xiro ama la dilo sababta oo ah in uu ka leexday jidkii ay iyagu rabeen.
 

Ugu dambayntii khaniisiinta Soomaaliyeed waxan u soo jeedinayaa in aanay oggolaan oo aanay aqbalin waxa dadka badankiis aaminsan yahay ee ah in Khaniisku yahay wax liita, ee ay khaniisnimadu tahay uun hab nololeed caadi ah, dadkana ay la mid yihiin, in badan oo isku sheega iney toosan yihiinna ay kaba fiican yihiin, waxa keli ah ee ay bulshada kaga leexdeenna ay tahay qaabka gogasha oo ay doortaan jinsi iyaga lamid ah, iyadoo la wada ogsoon yahay in galmadu ay nolosha qofka ka tahay qayb yar, aanayna kaa hor istaagi karaynin inaad madax noqoto, inaad injineer noqoto iyo inaad xiddig caan ah noqoto intaba.


Iska dhega tir waxa hareerahaaga laga sheeg sheegayo, hana ka harin yoolkaaga nololeed, damacaaga, galmadaada iyo caashaqaagu yaanu noqon mid ka soo hor jeeda amnigaaga, sharaftaada iyo caafimaadkaaga. Ogow in galmada oo dhammi ay anshax xumo tahay ama nin iyo naag isu tegey ha ahaato ama laba nin oo isu tegey ha ahaadaan, haddii ninka madaxa ka ah hay’addaada lagu soo eedeeyo inuu u galmooday gabadha xoghaynta ah dadweynuhu wuxuu ku khasbayaa inuu shaqada isaga dego, marka sidaa ula soco in xitaa galmada iyo jacalku ay weli yihiin wax sir ah oo u gaar ah labada qof, haddii ay bannaanka u soo baxaanna ay noqonayaan wax aan fiicnayn.
 

Waddamada Galbeedku waxay ku dhow yihiin iney wada aqbalaan khaniisiinta ilaa heer guur inta aan la gaarin sannadka 2020, sidoo kale, Bariga Dhexe iyo Afrika oo uu waddankaagu kamid yahay taariikhdu markey gaarto 2020 ugu yaraan horumar dhinaca xuquuqda ah ayaa loo rajeynayaa khaniisiinta, la soco in wakhtigaagii aanu fogeyn, wakhtigii aad is sheegi lahayd adiga oo aan waxba ka cabsaneyn oo isadaada isula han weyn., dadkana u ah mid wax tar leh oo laga faa’iido.

 

Waa mahadsantihiin.                                               
Qore Siciid Warnleh
Quote this article on your site

Be first to comment this article

Only registered users can write comments.
Please login or register.

Powered by AkoComment Tweaked Special Edition v.1.4.6
AkoComment © Copyright 2004 by Arthur Konze - www.mamboportal.com
All right reserved

 
< Prev   Next >

In Chatroom Now

Homophobia

What is Homophobia?

If you want to know about this subject please click on this link: http://www.avert.org, It will lead you to AvertT which is an international HIV and AIDS charity based in the UK, working to AVERT HIV and AIDS worldwide.

Polls

Did you find this site useful?
 

Who's Online

We have 28 guests online

Accommodation