You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?
The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles. Go on, give it a go.
Anagoo ah
Posted by Administrator
Bulshada Khaniisiinta Soomaaliyeed waxa la aasaasay 2005 ta dhexdiisa sameeyeena koox yar oo dhalinyaro khaniisiin soomaali ah kuwaas oo ah ka sokow dhaqanka iyo aasaaska aan wadaagno, waxa na mideeyay waxay tahay in aan anagu nahay Khaniisiin ku nool Ingiriiska.
Ujeedada aan u bilawnay ururkan waa in aan samayno meel iyo hab khaniisiinta wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ku heli lahaayeen akhbaarta, aqoon is waydaarsi iyo in aan dhisno taageero isku xir xirnaasho leh.
Markii aan anagu isku helnay midba midka kale dariiqyo kala duwan sida kulmid dhiskooyada dhexdooda, intarnatka iyo asxaabtaba, si deg deg ah baan anagu u noqonay qoys si xoog leh isugu duuban oo iyagu is xanaaneeya. Markaad tahay khaniis ama khaniisad Soomaali ah, waxaynu leenay ama la kulanaa dhibaatooyin isku mid ah sidaa darteed, waxaan anagu doonaynaa inaan idin la qaybsano waayo aragnimooyinkayaga iyo ta aad ugu muhiimsan oo ah in aan dhisno bulsho soo dhowayn iyo dhiirrigelin leh.
Anagu waxa kale oo ujeedadayadu tahay in aan u diyaarino oo aan taageerno wiilasha iyo gabdhaha walaaladayada kuwa ku socda in ay aqbalaan galmadooda ee dareemaaya in ay ka saayid calaysay dariiqa kala guuritaanka kaas oo qaar badan- ku ah mudo adag. Waxa muhiim ah in aad xasuusnaatid in aadan kalidaa ahayn iyo in aanay kaliyoo jirin saaxiibayaal khaniisiin soomaali ah kuwaas oo aad la hadli kartid xiriirina kartid laakiin sidoo kale waxa jira guud ahaan ururo wiilal iyo gabdho khaniisiineed kuwaas oo adiga kuu fidin kara nooc walba oo xarumaha daryeelka ah iyo talooyin laga bilaabo galmadda caafimaadka ilaa guriyaynta iyo laanta socdaalka.
Ururkan waxay ahmiyadiisa ugu weyni tahay kuwa ku nool wadanka Ingiriiska dhexdiisa. Hasa yeeshee, shebekadan waxay faa’iido u tahay qofkasta oo dunida jooga. Anagu waxaannu aad u dareensan nahay kuwiina ku nool dhulkii ee aan haysan xorriyada aanu ku raaxaysano halkan Galbeedka. Anagu waxaan iyaga tusaynaa garabjooggayaga iyo taageerid.
Ulajeedooyinkayaga
Ulajeedooyinkayaga ugu mihiimsani waa:
In aan bixino oo qaybsano akhbaarta khusaysa galmada guud ahaan iyo barbardhigista dhaqanka soomaaliyeed iyo diintaba.
In aan samayno tageero isku xidh xidhan bulshadeena dhexdeeda
In aan fidino meel wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta soomaaliyeed ku kulmaan, qaybsadaan waayo aragnimooyinka oo ay isku dhexgalaan.
In aan bilawno dood furan oo daacad ah kuna saabsan khaniisnimada bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda
In aan gacan ka gaysano muuqaalka hubaantida ah ee Soomaalida bulshada Khaniisiinta Gabdhaha iyo Wiilasha dhexdooda.
In aan wada shaqayno hay’adaha idin siin kara caawimo xirfadaysan iyo taageroba kuwiina ku nool Ingiriiska.
Ururkan ilaa hadda waxa uu ka kooban yahay wiilal khaniisiin ah oo anagu waxaan hadda raadinaynaa gabdho soomaali ah kuwaas oo jecel in ay ku deeqaan mawduucyada la xiriira gabdhaha khaniisiinta ah. Haddii aad rabtid, fadlan nala soo xiriir.