Article Submission

You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?

The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles.  Go on, give it a go.
 
DHAQANKA SOOMAALIDA IYO KHANIISNIMADA Print E-mail
Posted by Administrator   
Dhaqanka Soomaalidu waa mid wax la mid ah aysan jirin oo ka duwan marka la barbar dhigo dunida inteeda kale. Isku xirnaanshaha iyo xuduud ku eekaanshaha laga helo qoysaska Soomaaliyeed waa mid xataa ku fidsan xaafada oo dhan ama magaalada kaas oo leh quwad iyo caafimaad xoogan. Ka sokow xaaladan joogta, Soomaalidu waxay iyagu ku fikiraan inay yihiin kali isku jaad ah iyo qaran aan lahayn dhaqamo iyo diimo kala duwan. Sidaa darteed bay badankoodu u haystaan rumaysnaan, fikrado iyo hab nololeed isku mid ah.

Waxyaabo badan baa ku lug yeesha qoyska Soomaaliyeed sidaa darteed, diinta khaas ahaan Islaamka ayaa door wayn ka ciyaara hab nololeedka soomaalida. Diintu waa barta dhismaha qoyska Soomaalidu ka bilaabmo iyo xarunta isku nidaaminta qoyska, sidaa darteed khaniisnimada waxay dad badani u tixgeshaan inay tahay wax aan miro lahayn iyo danbi aan waarin. Hasa yeeshee anagu uma fikirno in jacayl iyo is tixgelin ka dhaxaysa laba ruux ha ahaadaan dadka jingisiga cakiska ah u taga ama khaniisiinba wax aan miro lahayn. Waxa sidoo kale muhiim ah in laga digtoonaado in dadka qaar ku khaldaan caadooyinka ku kooban meel citiqaadka diimeed, tusaale ahaan in dumarka loola dhaqmo inay u hogaan-sanaadaan raga.

Khaniisnimadu bulshada soomaaliyeed dhexdeeda waxay ka tahay wax shaac ah sida ay ka tahay jinsiyad bulshadeed oo kasta, faraqa keli ah ee u dhexeeyaa waa iyada oo lagu sameeyo si qarsoodi iyo sir leh sidaa darteed si cad u muuqan. Carabta iyo dawladaha Muslimiintuba way iska indha tiraan khaniisnimada jirta ilaa inta ay qarsoon tahay. Laakiin ciqaab muuqata baa sugaysa kuwa isku daya inay tijaabiyaan sharciga xadkiisa. Ugu yaraan dhawr jeer bay dhacday markii ay khaniisiintu banaanka u soo baxeen iyada oo ay mid ahayd xaalad aroos khaniis la qaban qaabinayay, waxa iyaga hortooda lagu ceebeeyay bulshada iyo gacanta sharciga.

Khaniisiinimadu Soomaaliya dhexdeeda iyo Afrikada kaleba intaan isticmaarka Yurub iman horteed bay ka jirtay, sababta oo ah xiriirada galmeed waxa la yiri caadi bay ka ahayd dhaqamo badan khaasatan wiilasha dhalinyarada ah dhexdooda. Hasa ahaatee marka ay nin nimadu albaabka soo garaacdo iyaga waxa laga sugaa in ay guursadaan oo ay reero yeeshaan. Khaniisnimo ahaanshadu qofna kama joojiso in ay caruuro ama qoysas yeeshaan. Qofka waa in lagu qiimeeyo guusha ay gaareen sameeyeena halkii la eegi lahaa qofka ay isku wasayeen qarsoodiga guryahooda.
 
Wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya ma haystaan aqoonsi rasmi ah oo waxay ku hoos nool yahiin cabsi aan kalago lahayn maadama khaniisnimada badanaa lagu ciqaabo shaabuug la dhicis, ka go’doomin xaga reeraha iyo bulshadaba iyo dil. Tani maaha mid laga bad badinayo sababta oo ah walaaladeen iyo walaashooyinkeen oo badan baa lagu ciqaabay cadaawanimo bini aadamnimada ka baxsan ama la dilay,

Sidaas darteed in aad Soomaali iyo khaniis ahaataa aad bay u adkaan kartaa. Ku noolow nolol sir ah oo ha la qaybsan fikradahaaga iyo dareenkaaga dadka inta kuugu dhow nolosha maaha wax sahlan. Qaar badan baa guuryahooda ka baxsada si ay uga baxsadaan ciqaab iyo dilka magaca loo sameeyo. Qaar waxay ku noqotaa in ay caadaystaan in ay labo nololeed ku noolaadaan oo guriga iska joogaan. Qaarkood reerahoodii bay isku soo banaan baxshaan iyada oo aanay ka ahayn ikhtiyaar daruuri ah.
Khaniisnimada waa laga hadlaa aqalada Soomaalida dhexdooda sida badan se waa si diidmo leh. Reerahu sida badan way iska ogyahiin ama tuhmaan caruurtooda laakiin dhibaatadu waxay bilaabantaa marka wiilkoodu ama gabadhoodu qirato galmadooda.

Anagu waxaan jeclaan lahayn in aan aragno in khaniisiinta Soomaliya dhexdeeda loo aqbalo si la siman dadka intooda kale sharciga hoostiisa. Hasa yeeshee, tani maaha mid si caqli gal ah u dhici doonta mustaqbalkan dhaw. Maadama oo khaniisnimadu mabnuuc ka ahayd Ingiriiska dhexdiisa 40 sanadood ka hor iyo tirtiraada sharciga qodobka 28 oo la hirgeliyay 2003 ga dhexdiisa.
 

Who's Online

We have 17 guests online

Accommodation