|
Bismi Laahi, Raxmaani Raxiim
Culimada waaweyn ee Muslimiinta ahi waxay aayada Quraanka qaarkood u turjuntaan in ay cambaareeyaan khaniisnimada gebi ahaanteed. Hase yeeshee, waayahan dambe waxaa soo baxay Muslimiin fac cusub ah oo fikirkoodu ballaaran yahay kuwaasoo Quraanka uga faallooday si ka duwan Muslimiinta intooda ugu badan. Khaniisiinta wiilasha iyo gabdhahaba ah ee Muslimiinta ah intooda ugu badan waxaa dhibka, walwalka, iyo inkiraadda dhammaystiran ee khaniisnimadooda u geysta halista dabka cadaabta ee ay sheegaan culimada Shariicadu. Cabsida ciqaabka Ilaahay ee Aakhiro haddii uu qof khaniis ahi damco lana galmoodo qof ay isku jinsi yihiin ayaa dhalisa walaac aad u weyn iyo khilaaf ka dhex dhasha diinta iyo jihada galmada sidaasoo ay markaas Muslimiin badani kaga go’aanba caqiidadooda. Aayadaha loo xigto khaniisnimadu waa kuwa tirinaya sheekadii qowmu Luut iyo sidii uu aakhirkii Ilaahay u baabi’iyey sababtoo ah sinadoodii ayan ka toobad keenin iyo hab nololeedkoodii. Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah. Idinku waxaad u tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay. Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye. Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaydiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay. Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha. (Quraanka Kariimka ah, 7:80-84)
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (26:165-166) (Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko. Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina. (27:54-55)
‹‹Nabi›› Luudhna ‹‹xusuuso›› markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan aan cidna idiinka hormarin adduunyada. Idinku ma waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka Kulana imaanaysaan Naadigiina wax la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii inay dhahaan noo keen cadaabka Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha moyee. (29:28-29)
Dadka fikirka ballaaran ee waayaha casriga ahi waxay aayadahaas u arkaan in ay sheegayaan in qowmu Luut ayan ahayn khaniisiin dhab ah laakiinse ay ahaayeen dad jinsiga kale u taga oo kufsan jiray ragga galmada khaniisnimadu ay u ahayd uun raaxo iyo caado. Waxay weliba xiganayaan aayadaha Quraanka Kariimka ah iyo Xadiisyadii (ama casharradii Nabiga (csws) si ay u muujiyaan in khaniisnimadu aysan mamnuuc ahaynba oo ay diinta Islaamka dhinacyo uga furan tahay.
Daxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu ‘minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahood, iyo Wiilasha (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga ah ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu‘miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane. (24:31)
Waxa la yidhi Ilaaha Qaadirka ahi waxa uu ula jeeday raga khaniisiinta erayadan “ ama raga jaariyadaha ah ee ka fasaxan jidhka baahidiisa”…… Hasa yeeshee, Quraan ka faaloodayaal badani waxay ku fasiraan inta kor ku xusan erayadu in ay u jedaan raga duqoobay kuwaas oo dhaafay da’dii ay galmo ku damci lahaayeen. Iyagu waxay sidatan u samaynayaan si kas ah si ay uga fogaadaan kelmeda “khaniis”. Aniga shaqsi ahaan waxay ila tahay mid aan suurto gal ahayn sida ay qodobadan soo socdaa cadaynayaan:
Dadka qaarkood waxa ka lunta fir fircoonida galmadooda iyo awooda markay sii weynaadaanba laakiin qaar badan baa galmo fir fircoon haysta xataa inta ay sideetamada yihiin! Xusuuso nabi Ibraahim waxa uu Ismaciil iyo Isaaq ka dhalay dumarkiisa Xagar iyo Sahra siday isugu xigaan markuu aad u duqaysnaa. Sidoo kale, sida caadiga ah dadka duqyaalka ah looma shaqaalayn jirin sidii jaariyadnimo maadama oo waxtarka iyo awooda shaqo lagu qabtaa si aad ah isula dhinto da’da. Sidaa darteed, turjumaada caqli galka keliya ee aayada kor lagu xusay in tixraaceegu yahay raga khaniisiinta ah.
“Eebaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa Wiilal; Ama wuu isku lamaaneeyaa Wiilal iyo Gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa Mandhaleys Eebaana wax og, karana.”(42:49-50)
Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha Dhaddig, waxaana ku magaacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la dheereeyey). (3:36)
Majalad 7, Kitaab 62, Tirada 13h:
Waxa laga soo wariyay Abu Hurayra:
Anigu waxaan idhi, " Ilaahay Raaciyahiisa Diineedoow! Anigu nin yar baan ahay oo anigu waxaan ka baqay in laga yaabo in aan sameeyo galmo buuxda oo xariman iyo in aanan awoodin in aan guursado. "Isagu muu hadal, oo dabadeed ku ceshay su’aashaydii mar kale laakiin isagu muu hadal. Anigu intii baan ku ceshay (mar sadexaadkii) oo isagu iska sii aamusnaaday. Hadana su’aashaydii baan ku ceshay (markii afraad), oo keli markaa ka dib buu Nebigi (scws) yidhi, " yaa Abu Hurayra! Qalinkii wuu ka qalalay ka dib markuu qoray waxii aad adigu rabtay in aad ka hortimaadid. Sidaa darteed(muhiimad tani ma leh haddii adigu) nafsi ahaantaada aad is dhufaani lahayd ama aanad is dhufaanteen. "
Xadiiskan ugu danbeeyay qaarkood waxay u turjumaan in Abu Hurayra uu u tixraacayay khaniisnimadiisa iyo in Nabigu (scws) uu isaga u ogolaaday in uu is dhufaano hadii uu isagu rabo. Barbardhig jawaabta Nebiga (scws) ka bixiyay Abu Hurayra su’aashiisa jawaabtiisa kulul ee u jeediyay asxaabtiisa xadiiskan sadarka cusub ee soo socda. Haddii Abu Hurayra uusan khaniis ahayn maxuu markaas Nabigu (scws) u rukhseeyey in isaga la dhufaaniyo oo uu dadka intiisa kalena uga mamnuucay? Qaar fikrad xadka ka durugsan Islaamka ka haysta baa aaminsan xataa haddii khaniisnimadu tahay wax dadku ku dhashaan, weli wax danbi ah oon lagu kicitimin bay ahaan lahayd maadama Quraanku iyada si cad uu u xaaraantinimeeyay oo xukunkeeda Ilaahay Awooda lahi Quraanka dhexdiisa ku sharaxay wax tixgelina lahayn dabiiciga ay tahay.
Muslimiin badan sidoo kale waxay sheegaan xaqiiqda ay nolosha shay ahaanteeda tahay imtixaan iyo in qof kastaaba mari doono imtixaankiisa ama teeda ha noqoto caafimaad, maal, qoys, ama sida arintan galmo. Waxay yidhaahdeen in dadka khaniisiinta ah uu Ilaahay ku imtixaanayo si ay uga dhawrsanaadaan khaniisnimada taas oo galmadoodu jabin doonto sharciyada Ilaahay sidaa awgeedna ugu baaqi doono ciqaabTiisa dunida iyo tan aakhiroba. Laakiin ka soo horjeedayaasha khaniisiinimada si cad bay nafsad-ahaantooda isu beeninayaan. Murankooda, iyagu waxay leeyihiin galmada dhex marta xubno isku jinsi ah waxay jebisaa sharciga u yaala shay yada dabiiciga ah maadama oo raga iyo dumarka la isku abuuray si ay ubad u dhalaan. Ku salaysnidan baa Khanisiinta Wiilasha iyo Gabdhaha Muslimiinta ah sida badan qoysaskoodu iyo bulshada Muslimiinta inteeda kale kugula taliyaan in ay guursadaan macnaha dhaqanku yahay ama in aanay sideedaba wax galmo ah samayn. Waxaan u arko in aanay sina macquul ahayn waxay tahay iska xakamaynta nimanka jinsiga cakiska ah u taga iyo naagaha jinsiga cakiska ah u taga in si adag ay mutacaliimiinta Islaamku sharciga ahi iyaga uga niyad jabshaan. Sababaha aragtidan loo bixiyaa way badan tahay laakiin ta ugu muhiimsani waxay tahay in guurku yahay kala badh qofka Imaankiisa marka loo eego Xadiiska rasmiga ah ee Nabiga barakaysan (scws) ee soo socda.
Majalad 7, Kitaab 62, Tirada 11:
Waxa laga soo wariyay bin Abi Waqqas:
Rasuulka Ilaahay waxuu mamnuucay 'Uthman bin Maz'un in uu ka caago guurka (iyo raaxooyinka kale) oo haddii isaga uu u ogolaan lahaa, anagu nafsi aheenteen waanu is dhufaani lahayn. (1)
Majalad 7, Kitaab 62, Tirada 13o:
Waxa laga soo wariyay 'Cabdullah:
Anagu waxaan ka qayb qaadan jirnay dagaaladda barakaysan ee Rasuulka Ilaahay hogaamin jiray oo anagu waxba maanu haysan (xaasas) nala socda. Sidaa darteed waxaan nidhi, "Anagu nafsi aheentaana ma is dhufaanaa? " Isagu taas anaga wuu naga mabnuucay oo ka dib anaga noo ogolaaday in aanu naago ku guursano heshiis waqti go’an leh (2) waxuuna noogu dhawaaqay: -- 'Dadkii mu’miniinta ahaayoow! Ha ka samaynina sharci daro waxyaabaha fiican ee Ilaahay sharci idinka idiinka dhigay, laakiin ha samaynina in aad jinsigiina bedeshaan.' (5.87)
Majalad 7, Kitaab 62, Tirada 1:
Waxaa laga soo wariyay bin Maalik:
Koox sadex nin ah baa yimid guryaha xaasaska Nabiga (scws) waydiiyeena sida Nabigu (scws) u caabudo (ilaahay), oo markii iyaga arintaas laga warsiiyay, waxay ku xisaabtameen in caabudistoodu aanay dhamaystirnayn oo dhaheen, "Halkaynu ka joognaa hadii Nabiga (scws) danbigiisii tagay iyo ka joogaba laga cafiyay" Dabadeed mid iyaga ka mid ah baa yidhi , "Waxaan ku balanqaaday salaad habeenkii oo dhan ah ilaa weligeed." Kii kale baa yidhi, "Anigu waan soomayaa sanadka oo dhan oo ma jabin doono soonkayga. " Kii sadexaad baa yidhi, "Anigu naagaha oo dhan waan ka fogaanayaa oo weligay ma guursan doono." Rasuulkii Ilaahay baa inta uu iyaga u yimid yidhi, "Idinku ma dadkii isku midka ahaa ee yidhi sidaas iyo sidaas baad tihiin? Ilaah baan ku dhaartee, Anigu aad baan u mudeecsanay xaga Ilaahay oo aad uga baqaa Isaga marka idinka la idiin eego; hadana waan soomaa oo jabiyaa soontayda, anigu waan seexdaa oo aan sidoo kale naago guursadaa. Marka isaga ka aan raacin caadadayda diimeed, aniga igamuu iman (maaha mid taabiciyiintayda ah). Intaa waxa dheer, markay Muslimiintu aqbalaan haddiiba qof ku dhasho sidii wiil khaniis ah, gabdhaha khaniisad ah ama kuwa labada jinisiba u taga oo aanay waxba ka qaban karin in ay soo jiitaan mooyee qofka ay isku jinsiga yihiin, qaar waxay gaadhaan heer ay yidhaahdaan wiilasha khaniisiinta ah, gabdhaha khaniisiinta, ama kuwa labada jinsi u tagaaba in aanay weligood galmadooda dadka kale daaha uga qaadin maadama ay tani kor u qaadayso dhaqan xumo. Run ahaantii, waxay ku murmayaan in qof been ka sheego galmadiisa taaso oo xaqiiqdii jabinaysa sharciga Islaamka maadama oo beentu tahay wax si adag looga mamnuucay Islaamka.
Hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og (wuxuu isagu yahay). (2:42)
Ehelu Kitaabow maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og? (3:71)
Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame maalintaasay Khasaari xumaanlowgu! (45:27)
Waxa gebi ahaan la iska dhega tiray si kastaba ha ahaatee in haddii khaniis galmo la sameeyo qof ka mida cakiska galmadiisa ay tahay xad gudbid dareenkiisa ama dareenkeeda dabiiciga ah oo sida awgeed keeni karto cadho Ilaah. Sidoo kale waxaan laga fikirin marka loo qaybinayo “talooyin diimeed” xaga khaniisiinta in khasbitaanka guurku ku dhowaad run ahaantii keenayo khilaaf oo heerka ugu danbeeya kala jabiya guurkaas maadama ay maqan tahay xiriirkii galmeed ee guurka isku xejin lahaa. Waxa jirta caddayn badan in khaniisiinta guursata qof jinsigiisa cakis ku ah in ay galaan murugo iyo raxan dhibaatooyin kale ah taas oon ku eekayn qofka khaniiska ah laakiin gaadhsiisan lamaanahiisa ama lamaanaheeda jinsiga cakiska ku ah guurka dhexdiisa. Dhibaatooyin kani waxay si cadaati ah u kala fur furayaan ujeedooyinka guurka Islaamka loo aasaasay siday aayadaha soo socdaa tilmaamayaan:
Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri. (30:21) Haddii khaniisnimadu tahay ‘imtixaan’ nololeed qaar ka mida rumaysanayaasha sida dad badani ku dacwoodaan, dabadeed waxa dhalan doonta dhibaato iska horimaansheed Quraanka dhexdiisa maadama Ilaaha Awooda lehi ku sheegay Quraanka dhexdiisa in ay jiri doonto raysasho dhibaato kasta sida ay aayada soo socota si cad u muujinayso: Gargaarka Eebe, wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah. (95:5)
Adigoo niyada ku haya macnaha aayadan kor ku qoran, meeday raysashada khaniisiinta Muslimiinta ka celin lahayd hunguri galka maalinkasta ee toos loogu soo rogay sababtayna galmadiisa ama galmadeeda aan caadiga ahayn maadama shuruuda guur aanay iyaga ikhtiyaar u ahayn. Hagaag, waxa laga yaabaa in dadka qaar ay ku murmaan in curyaanimada iyo qaar noocyo kale oo xumaaneed kuwaas oo xaqiiqdii ah imitixaan iimaaneed dadka qaarkoodna noqon kara xaalad noloshooda oo dhami ku sugnaato. laakiin yaynaan ilaabin in curyaanimadu aanay qofna u horseedin hunguri gal sida khaniisnimadu yeesho taas oo macnaheedu yahay qofka curyaanka ah sababtayna curyaanimadiisa ama curyaanimadeeda kuma aha in uu la dagaalamo Shaydaanka “nux-nuxlayntiisa” halka qofka wiilka khaniiska ama gabadha khaniisada ahi ka sameeyaan galmadooda dartood. Teeda kale, khaniisnimadu maaha wax waqti gaaban ku eeg “dhibaato ama imtixaan” laakiin waa calaamad bini aadami (ama xayawaan sida aynu wada ognahay) oo aan dhamaanayn adkaysasho dabiici ahna leh sida isjiidashada ka dhaxaysa nimanka iyo naagaha xayawaanka reer boqor.
Waxa sidoo kale jirta su’aal kale oo maskaxda ku soo dhacda marka khaniisnimada la cambaaraynayo: Abuuraha naxariista lahi ma cadaabi doonaa khalqigiisa kaliya haday raacaan sharciga dabiiciiga ee ku farad yeelay? Haddii jawaabtu haa tahay, dabadeed taas macnaheedu waxa weeye in khalqigiisa qayb wayni durbaba halaagan yahiin dhalashadooda oo sidaas bay caqiidada ismaamulka Islaamku ku noqonaysaa wax aan macno lahayn. Marka loo eego muranada kor lagu xusay, tani waxay noqonaysaa wax cad oo si sahal ah loo arki karo haddii dariiqa sharciga ee aqoonyahanada dhaqanka Islaamka la raaco, in ay jiri doonaan sharciyaal isku nooca ah oo khaniisiinta loogu talo galay iyo mid kale oo dadka jinsiga cakiskooda ah u taga loogu talo galay. Maadama shaki la’aan Islaamku yahay diin sabab leh, booska jira ee culimada Muslimiinta ah wuxuu yahay mid aan qiil lahayn marka dood furan oo daacad ah kuna saabsan aqoonsi shariciyeedka khaniisiinimada iyo khaniisiinta waa lagama maarmaan. Aakhirka Ilaahay baa inawada xisaabin doona maadama Isaga oo keliyi ogyahay runta ugu danbaysa.
|