Article Submission

You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?

The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles.  Go on, give it a go.
 
Caafimaadka Galmada Print E-mail
Posted by Administrator   

Qormadan dhexdeeda waxaad idinku ka heli doontaan akhbaar ku saabsan haysashada nolol galmeed oo caafimaad leh isla sidoo kale cudurada galmada la isugu tebiyo (CGLIT) kuwa caadi ahaan ugu tirada badan ee ay dhici karto in raga khaniisiintu qaadaan.

Qofkasta oo galmo sameeya waxa dhici karta in la qaadsiiyo CGLIT kaas oo la isugu gudbin karo taa taabasho kastoo galmeed isla sidoo kale galmo dhamystiran, uu ku jiro sal salaaxid dhunkasho wadata, futada iyo galmada afka.

Cudurada galmada la isugu tebiyo badankooda waxa lagaga hortagi karaa isticmaalka cinjirrada sidoo kale si sahal ah baa lagu daawayn karaa iyaga oon mustaqbalka fog reebin wax isbedel ah. Haddii aan la daawayn cudurada qaarkood waxay ku socon karaan in ay sababaan mustaqbalka fog dhaawac. Sidaas darteed bay u tahay muhiim in markasta la sameeyo galmo aan khatar lahayn.

 

GALMO AAN KHATAR LAHAYN

“HADDII AAD WAX WASAYSID…….ISTICMAAL CINJIR”


Cinjirrada lagu isticmaalo saliidda biyaha laga sameeyey ayaa weli iminka ah habka ugu hubaalsan ee aad adiga ama lammaanahaagu isaga ilaalin kartaan fayruska HIV iyo cudurrada kale ee galmada la isugu gudbiyo (STI).

Waxaa jira oo la heli karaa noocyo faro badan oo cinjirro ah, waxay ku yimadaan qaabab kala duwan, qiyaaso iyo qarooyin, kuwaas oo wata ama wadan saliidda biyaha laga sameeyay oo noocyo badan oo kala duwan leh. Qof kasta guskiisu wuu kala duwan yahay sidaa darteed way fiican tahay in la isku tijaabiyo noocyo kala duwan oo cinjirro ah si aad ku go’aamisid ka adiga kuugu fiican. Hasa yeeshee way fiicantahay in aad ka fogaatid cinjirrada leh nonoxynol 9 (N9), sida guudna lagu sheego sidoo kale  saliidda biyaha laga sameeyey ee disha shahwada maadaama ay cun cun ku abuuraan dahaadhka futada. Badanaa soo saarayaasha cinjirrada ee wadankan Ingiriisku waxay joojiyeen in ay isticmaalaan N9 laakiin si fudud baa looga iibsan karaa intarnatka ama markaad adigu debadaha joogtid in aad iska hubisid baa qiimo leh, ama sii qaado cinjirradaada Ingiriiska haddii aad adigu safraysid. Adigu waxaad ka heli kartaa cinjirro bilaasha xarunta kuugu dhow ee daryeelka caafimaadka galmeed.


Sida Cinjirka loo isticmaalo

  1. Sug inta uu guskaagu ka adkaanayo. Si taxadir leh uga saar cinjirka galkiisa, hana isticmaalin ilkahaaga.
  2. In yar kala bixi cinjirka si aad u hubisid in uu dhinaca saxda ah yahay intaadan gashan. Tuuji caarada cinjirka adiga oo hawada oo dhan ka saaraya dul saar caarada guska adag. 
  3. Dulin dulee cinjirka ilaa uu ka gaadhayo halka ugu hoosaysa ee aasaaska guska.
  4. Hubi galmada dhexdeeda in aan cinjirku siibmin.
  5. Haddii aad adigu waxooga isticmaalaysay, waxa laga yaabaa in aad u bahaatid in aad ku bedeshid cinjir kale sodonkii daqiiqoba.
  6. Galmada ka dib, guska si taxadir leh u soo saar inta uu weli adag yahay. Qabo bilawga cinjirka si aad uga ilaalisid inuusan siiban.
  7. Ku duuduub cinjirka waraaq oo ku rid baadliga qashinka hana  raacin suuliga.

  
Xaqiiqooyin muhiim ah:

  • Ku kaydi cinjirka meel qabaw yar, madawna. Kulaylku wuu dhaawaci karaa iyaga.
  • Cinjirradu mudo abidkood ah ma jiri karaan. Hubi taariikhda isticmaalida.
  • Gacan qabsi u hayso cinjirrada si hadii ay dhacdo fursad aad adigu galmo ku samaysid.
  • Weligaa ha isticmaalin cinjir galkiisu furan/dhaawacan yahay ama cinjir in hal mar ka badan.
  • Markasta isticmaal in kugu filan saliidda biyaha laga sameeyay muddada galmada. Tani galmada oo kaliya raaxo kama dhigto laakiin waxay ka hortagtaa in uu cinjirku jeexmo.
  • Laba cinjir kama fiicna mid kaliya, sababtuna waxay tahay iyada oo isxoqa dhexdooda ka dhaca uu u nugleeyo dilaacin. Markiiba mid kali ah waligaa gasho.
  • Iska dhaq gacmahaaga markaad taa taabatid cinjir la isticmaalay.

JEERMISKA CUDURADA GALMADA LA ISUGU GUDBIYO

HIV

HIV waxuu tilmaamayaa Fayruska Daciifka diffaaca ee Insaanka (Human Immunodeficiency Virus). Fayruska HIV wuxuu qaadsiiyaa oo u si tartiib tartiib ah u burburiyaa habdhiska jir difaaca qofka qaba, hoosna u dhigaa ka hortagooga xaga jeermisyada iyo kansarada.
 
Bilawga hore, qofka qaba fayruska HIV waxa dhacda in aanu isku arag wax calaamado cudur HIV ah sababta oo ah difaaca jirkooda ayaa maareya in uu awood isaga ku xukumo. Hasa yeeshee, xaaladaha badankooda habdhiska jir difaacoogu waxa uu caawimo uga baahan doonaa daawooyinka lidka ku ah fayruska HIV si jeermiska HIV ga loo xadeeyo. Daawooyin kani gabi ahaan jeermiska HIV ga jirka kama saari karaan. 70 kii daqiiqadood ee kasta, qof baa lagu ogaadaa fayruska HIV ga. Iyo in ku dhow sadex meelood dadka qaba faryuska HIV ga wadanka Ingiriiska gudihiisu maanta isma oga in ay qabaan; Qiyaastii waa in ku dhaw 25,000 oo qof. Tirakoob kaas oo kugu khasbaya in aad u istaagtid oo aad digtoonaatid. Ha ka mid noqon tirakoobka!

Raga khaniisiinta ahi waa kooxda ugu badan ee fayruska HIV gu saameeyay wadankan Ingriiska. Hasa yeeshee, laga bilaabo 2003 dii dadka ugu badnaa cusbaana ee lagu ogaaday fayruska HIV ga wadankan Ingiriiska waxa lagu qaadsiiyay galmo dhex martay dad kala jinsi ah marka loo eego galmo khaniisnimo.
Badhitaan la sameeyay waxuu soo jeediyay in dadka aan iyaku is ogayn in ay qabaan fayruska HIV gu ay sida badan u muquuto in ay tebiyaan fayruska marka loo eego kuwa la baadhay. Marka waqti danbe lagugu ogaado waxay xanbaarsantahay khatar caafimaadeed oo halis gelisa qofka – qiyaastii afar meelood oo meel dhamaan dhimashooyinka la xiriira fayruska HIV ga wadanka Ingiriiska ee sanadkii la soo dhaafay waa laga fogaan kari lahaa hadii dadkan lagu ogaan lahaa oo waqti hore daawo lagu bilaabi lahaa.   

AIDS

AIDS waxuu tilmaamayaa Cudurka Daciifka Diffaaca ee La qaado (Acquired Immune Deficiency Syndrome). AIDS ku maaha cudur ama xaalad keli ah. Bedelkeedu, waa kalmad sharxaysa barta marka qofka habdhiska jir difaaciisu awoodi karin in uu maareeyo sababtuna tahay dhaawac uu gaystay fayruska HIV gu iyo iyaka oo bilaaba in uu ku dhaco hal ama xanuuno badan oo khaas ahaaneed.

Dadku run ahaantii uma dhintaan AIDS ka; Waxay iyagu u dhintaan kansarada, cudur khatar ah kaas oo waxyeela sanbabada qofkana neefta ku xira (pneuminia) ama xaalado kale oo qofka ku dhaca marka fayruska HIV gu habdhiska jir difaacooga daciifiyo.

GUDBIN

Fayruska HIV ga si fudud qof qofka kale uguma gudbiyo, gaar ahaan markaad bar bardhigtid fayrusyada kale. Sababtuna waxay tahay faryruska HIV gu waxuu ku jiraa dareeraha jirka. Marka si fayruska HIV ga loo gudbiyo, waa in dareeraha jirka qof isagu markii hore qabay uu geliyo qof aan jirkiisu qabin oo dabadeedna racaa wareega dhiigooda. Kaasi shahwadda oo keli ah kuma koobna laakiinse weliba Biyaha Ka Soo Horreeya Shahwadda, kaas oo ah dareeraha gusku soo saaro biyo baxa ka hor. Adigu kama qaadi kartid fayruska HIV ga u dhawaansho bulsho dhexgalid caadi ah ama dariiq falal badan oo ay dadka qaarkood u maleeyaan in ay yihiin khatar. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Dhunkashada
  • Koob aad wadaagtaan, suxuunta, midiyaha iyo qalabka kale ee wax lagu cuno ama maryaha guriga lagu isticmaalo, ay tuwaaladu ka midka yihiin
  • Isticmaal suuli isku mid ah iyo berkada dabaasha
  • Dareerayaasha kale ee jirka, sida dhareerka, dhididka ama kaadida, kuma jiro fayrus HIV ku filan oo qof kale qaadi karo.

CALAAMADAA LAGU GARTO

Fayruska HIV gu waxa uu wax yeelaa awooda habdhiska jir difaacaaga uu kula dagaalami lahaa jeermisyada. Haddii aan fayruska HIV ga la daaweeyn, waxa uu burburin doonaa nooc unugga dhiigga cad ah oo la yiraahdo unugyada CD4 T, kuwaas oo door muhiim ah ka dhex ciyaara habdhiska difaacaaga. Sida ay tiradaada CD4 u yar tahay ayay kuugu suurogal badan tahay in aad muujiso calaamadaha cudurka. Calaamadahan waxa kuligood sababi kara xalaado aan ahayn fayruska HIV ga, oo taas macnaheedu maaha in aadan qabin AIDS. Hasa yeeshee, haddii aad adigu isku aragtid dhamaan ama qaar ka mid ah calaamadahan si joogta ah, waxa fikrad fiican ah in aad fayruska HIV ga iska baadhid.

Calaalamadaha badanka la arko:
•    Miisaan aan kas loo ridin
•    Shuban raaga
•    Furuuruca jirka, gaar ahaan wajiga korkiisa, xubnaha dhalmada iyo halkay ku yaaliin ama fudata
•    In ay afkaaga iyo saxaaxaaga ku kordhaan boogaha firiirrica leh ama jeermisyada cabeebku
•    Dhidid, gaar aaan habeenkii
•    Daal aan caadi ahayn
•    Laba labo ama cuntada ood diiddo
•    Barar qanjirada qoorta, gumaarka ama kilin kilooyinka
 
DAAWAYN

“DAAWAYN MA LAHA FAYRUSKA HIV gu”

Qaadintaanka fayruska HIV ga markasta macnaheedu maahan in aad adigu u dhimandoontid midkood beri, sanadka soo socda ama toban sanadood hada laga bilaabo. Waxaa jira daawooyin la isku daro oo qofka fayruska HIV ga qaba uu bilaabi karo in uu qaato dhowr sanadood ka dib marka uu jeermisku haleelo. Daawooyin kala nooc ah baa ka joojiya faryuska HIV ga habab kala duwan in uu noociisa oo kale sameeyo oo isku dar sadex iyo in ka badan baa loo baahan yahay sidii la rabay si ay wax u tarto. Ujeedada daawayntu waa hoos u dhimis tirada fayruska ilaa inta ugu yar ee suuroobi karta, in kasta oo aan gebi ahaan la tirtiri karin. 
Bilaabitaanka daawayntu waxay ku xiran tahay tirada fayruska ee dhiigaaga ku jira iyo sida ay wax u yeelayso habdhiska jir difaacaaga. Daawooyinka hadda la isticmaalaa aad bay sidii la rabay wax u taraan marka ma jiri doonto sabab aanad adigu u helin in aad heshid nolol dheer oo kaamil ah.

Hasa yeeshee haddii aad samaysay galmo aanad is ilaalin 72 saacadood gudahooda (3 beri) oo aad u malaynayso in aad halis u gashay fayruska HIV ga waxa jirta daawo loo yaqaan PEP (Post Exposure Prophylaxis) taas oo ka hortagi karta fayruska HIV ga ka dib marka fayrusku jirka galo, daawadan waxa la qaataa 4 wiig ka dib markaad halista gashid. PEP ka waxa laga helaa kiliniigyada caafimaadka galmada iyo cusbitaalka waaxda shilalka iyo gar gaarka deg dega ah.
PEP ku daawo uma aha fayruska HIV ga oo makafaalo qaado in ay ka hortagto fayruska HIV ga mana aha hubaal in uu fayruska u diido in uu qofka wada haleelo marka uu jirka galo. Galmo aan khatar lahayn ayaa weli ah habka ugu wax qabadka badan ee lagaga badbaadi karo fayruska HIV ga.

CHLAMYDIA

Chlamydia waa cudur baktiiriya laga qaado oo sida ugu badana la isugu gudbiyo marka cinjir la’aan la isku waso, laakiin waxa sidoo kale la isugu gudbin karaa dhuuqitaanka guska ama futo leefista. Hal ilaa lix wiig marka la qaado waxay iyadu sababtaa dheecaan huruud/jaale cadaati ah oo ka yimaada guskaaga ama, marar sii dhif ahna, ka yimaada futada, ama cunaha – sadexda meelood ee ugu badan in iyada laga qaado. Waxa laga yabaa in aad adiga sidoo kale xanuun ku qabto markaad kaadinaysid, iyo qabashada kaadida ee sida caadiga ah ka badan. Hasa yeeshee rag badan oo cudurka qabaa siday u dhan yihiin ma muujiyaan wax calaamado ah, laakiin weli wax bay qaadsiin karaan, si ay ugu gudbin karaan lammaane kaloo galmeed oo farabadan iyagoon ogsoonayn.
Chlamydia way dawaysantaa waxaana lagu daawayn karaa daawo sharoobo, kiniini ama cirbad ah oo disha jeermiska cudurada (antibiotics). Haddii aan la daawayn, jeermisku guska wuu ka sii gudbi karaa oo u gudbi karaa qanjirka xubinta ragga ee kaadi-haysta ku hoos yaalla (prostate), xiniinyaha, iyo qaybo kale oo jirka ka mid ah kaas oo sabab u noqon kara dhibaatooyin caafimaadeed oo kale. 

CRABS

Crabs, ama injirta shiciradda/shuunka, waa cayayaan yar yar oo dhiig jaqaal ah midabka kafaygana leh, waxa sidan loogu yeedho sababteedu waxay tahay cidiyahooga fiiqan ee carsaanyada u eeg, kuwaas oo u ogolaada in ay ku xejistaan shiciradda/shuunka. Crabs ku waxay ku dhegaan maqaarkaaga oo ay dhiiga ka jaqaan, sababaana cuncun aad u daran. Iyaga badanaa waxa laga helaa timaha guska ku wareegsan, xiniinyaha, futada in kast oo iyaga laga heli karo kilinkilada ama meel kaleetoba raga timaha badan. Crabs ka waxa badanaa la isu gudbin karaa marka laba jir oo qaawan la is taabsiiyo. Si aan badnayn, iyaga waxa laqa qaadi karaa markay si aan xad lahayn ugu faafaan gogosha sariirta, dharka, iyo tuwaalada. Boomaatooyinka jilicsan ayna ka midka yihiin Derbac ama Quellada ayaa farmasiyada laga heli karaa, waraaq dhakhtar la’aanteed, si aad uga takhalusid crabs ka, waxa sidoo kale kuwan bilaash looga heli karaa kiliniigyada caafimaadka galmada.

JABTIDA (GONORRHOEA)

Jabtida (Gonnorrhoea), ama ‘the clap’ loo yaqaanno, waa cudur laga qaado bagtiiriya haleelana kaadi mareenka (duleelka kaadida), futada, cunaha, ama indhaha. Tan waxa la isugu gudbin karaa futo leefista, dhuuqista/jaqidda guska, in aad wastid ama in cinjir la’aan lagugu waso. Waxa la arki karo calaamadahan waxa ku jira malax cadaan ama cagaar ah oo guskaagu soo daayo, iyo dareen gubnaansho markaad kaadinaysid ama biyo baxaysid. Markay futada kaaga dhacdo waxa la arki karaa dhecaan huruud ah, dhiig daray ah oo xaarka la socda, shuban xoogaa yar ah, ama cuncun iyo xanuun markaad xaaraysid. Markay afka kaaga dhacdo waxay keeni kartaa cune xanuun iyo qufac mararka qaarkood.
Jabtida (Gonnorrhoea) waxaa lagu daawayn karaa daawo sharoobo, kiniini ama cirbad ah oo disha jeermiska cudurada (antibiotics) oo si buuxdaa baa looga daawoobi karaa. Haddii aan la daawayn jirka difaaciisa dabiiciga ah baa awooda in uu jabtida (gonorrhoea) habdhiska ka saaro, inksatoo ay tani qaadato dhawr bilood (goortaasoo uu jeermisku ku fidi karo lammaanaha kale ee galmeed) oo ay xanuuna leedahay. Mararka qaarkood, jabtida (gonorrhoea) aan la daawayn waxay ku fidi kartaa qanjirka xubinta ragga ee kaadi-haysta ku hoos yaalla (prostate gland) iyo xiniinyaha, taasoo laga yaabo inay hormoodo madhalaysnimo.

HEPATITIS

Cudurka beerka ku dhaca ee Hepatitis ka la yiraahdo waa cudur ka dhasha fayrus kaas oo sababa in uu beerku caabuqo. Waxa jira sadex nooc oo ugu muhiimsan: A, B, iyo C. Dhamaantood waxay leeyahiin calaamado isku mid ah laakiin habab kala duwan baa loo qaadaa iyo dhibaatooyin mustaqbalka fog caafimaadkaaga gaara oo kala duwan. Hepatitis A iyo B waxa lagaga hortagi karaa talaal la qaato dhawr jeer oo isku xiga, kaas oo ku siinaaya ilaalo dhowr sanadood ah. Ma jiraan talaalo diyaar u ah oo ka hortaga Hepatitis C ga. Raga khaniisiintu waxay talaalka Hep A iyo B bilaash uga heli karaan kiliniigyada caafimaadka galmada ee kasta.

Hepatitis A
Hepatitis A waxa laga helaa xaarka iyo isaga oo laga qaadi karo haddii afkaaga xaar gaadho. Inkasta oo ay jiraan dariiqyo kale oo Hepatitis A lagu qaadi karo, galmada dhexdeeda waxa la isugu gudbin karaa falalka ay ka midka yahiin futo leefista, wasida iyo faro faraynta nin futadiis.
Calaamaduhu waxay muuqdaan 2 – 6 wiig ka dib marka cudurka la qaado calaamadahana waxa ku jiri kara madax xanuun, xumad, cunto diidis, yalaalugo/labo labo, hunqaaco, tabcaansanaan iyo muruq iyo xubno xanuun. Goorta dambe indhahaaga bu’dooda iyo jirkaaga ayaa casaan kara. Xanuunku waxa uu iska tagaa iskiis 1- 3 bilood gudahood, isagoon geysan dhaawac joogta ah.

Hepatitis B
Faryruska Hepatitis B waxuu ku jiraa dhiiga, shahwadda, kaadidda candhuufta iyo xaarka, isla sidoo kale dheecaanada jirka qofka qaba. Kani wuu ka faafi og yahay marka loo eego hepatitis A ama fayruska HIV ga. Haddii aad qaadid Hepatitis B, adigu in aadan wax calaamado ah isku arag baa laga yaabaa, laakiin haddii aad isku aragtid waxa ka mid noqan kara daal, yalaalugo/labo labo, hunqaaco, xanuun beerka ag agaarkiisa ah, kaadi madow ama xaar yara midabaysan iyo xumad.
Sida la soo sheegay, waxa jira talaal laakiin waxaad adigu u baahanaysaa in aad si waqti u dhexeeyo ugu noq noqotid si talaalka kor loo xoojiyo, loona xaqiiyo in aad difaac u lahaatid. Halka dadka badankoodu ka bugsadaan hepatitis B oo uu joojiyo in uu baaho, qiyaastii 10% waxay ahaadaan sidayaal mustaqbalka fog kuwaas oo awooda inay baahiyaan cudurka sanado farabadan.

Hepatitis C
Hepatitis C maahan mid si sahal ah la isugu gudbin karo sida Hepatitis A am B, laakiin waxa uu noqon karaa ka ugu dhaawaca badan nooca cudurkan iyo isaga oo waqtigan aynu joogno lahayn talaal.
Fayruska Hepatitis C ugu horayn dhiiga buu xaadir ku yahay (lagu daro dhiiga qalalan) iyo waxaa lagu sii gudbin karaa shahwadda marka galmo aan is ilaalis lahayn la sameeynayo. Kan waxaa lagu daawayn karaa daawooyin lid ku ah fayruska (anti-viral drugs). 

HERPES

Herpes waa fayrus ku fidda marka maqaar maqaar taabto. Waxa jira laba nooc oo herpes ah ,HSV1, kaas oo sababa dil dilaac afka hareerihiisa , iyo HSV2, ama herpiska ku dhaca xubnaha galmada halka ay ku yaaliin (genital herpes), kaas oo ku rida  nabaro xanuun leh guska wareegiisa iyo futuda. Adigu waxaad ka qaadi kartaa Herpes ka dhunkashada, gus jaqidda/dhuuqidda, futo leefista, wasitaan bilaa cinjir ah iyo wadaagid qalabka galmada (sida gus rabar ah).
Herpes ku waxa uu u soo baxaa sidii nabaro yar yar oo biyo ku jiraan taas oo jiriirico, cuncun, mudnaan iyo xanuun saa’ida leh markay dilaacaan. Kuwan waxa ka buuxa dareere saafi ah, kaas oo marka danbe isku bedela xinjir huruudi/jaale ah. Nabaradani waxay ugu yaraan sida caadiga ah jiraan inta u dhaxaysa 1 iyo 3 wiig. Herpes ka ku dhaca unugyada galmada siiba kaadi mareenka (duleelka laga kaadjo) ayaa khaas ahaan xanuun badnaan kara marka aad kaadinaysid ama biyo baxaysid, halka ka fudata kugu keenayo dareen gubasho, gaar ahaan markaad xaaraysid. Mar hadaad qaadid herpes, waligaa waad qabaysaa, sidaa awgeed waxay u badantay in aad adigu wado in aad isku aragtid kacdoonyo sanadaha soo socda oo dhan. Laakiin haddii uu kugu raago soo noq noqodka kacdoonkoodu wuu yaraadaa. Labada nooc ee herpes midna daawo ma leh inkasta oo daawooyinka lidka ku ah faryuska xanuunka yareeyaan oo koobaan muddada weerarka.

SCABIE

Scabies waa cudur maqaarka ku dhaca oo ay sababto injir yar yar oo ku nool noolaha taas oo ku noolaata in yar maqaarkaaga hoostiisa. Waxa badanka laga dareemaa ag-agaarka futadaada, moxoga, kuraanta, dhexda, xaglaha gacmaha, kilin kilooyinka, iyo suulasha iyo farahaaga inta u dhaxaysa. Markay ku dul noolayaashani bataan waxay sababaan nabaro buuran, cas oo aad u cuncun badan meelaha ay wax yeeleeyaan, inkasta oo aad ku arki kartid sidii buur buuryo cad farahaaga dhexdooda.
Scabies waxa lagu faafin karaa nooc kasta oo istaabsiin maqaareed ah iyo waxa kale oo laga qaadi karaa dhar ay ku baahdo, go’yaasha, ama tuwaalada. Daawaynteedu waxay ka kooban tahay in aad jirkaaga oo dhan ku rinjiyaysid/dhoobtid, laga reebo madaxaaga, boomaato jilicsan oo aad u daysid in ay marsanaato 24 saacadood; Kuna dartid in aad maydho dhamaan gogosha, dharka, iyo tuwaalada qasaalada heer kulaylkeeda ugu sareeya. Xitaa haddii ay daawadu wax tarto cuncunku waxuu sii socon karaa ugu  badnaan laba wiig sidaa awgeed, haddii adigu aad isu malaysid in aad qaaday, sida kuugu dhaqsoha badan ee aad awoodid u tag kiliniigyada caafimaadka galmada.

SYPHILIS

Syphilis waa cudur laga qaado bagtiiriya kaas oo sida badan ee caadiga ah la isugu gudbiyo wasmada bilaa cinjirka ah iyo gus jiqista/dhuuqidda, laakiin waxa kale oo lagu qaadi karaa futo leefista, gacan is gelinta ama marka maqaar maqaar taabto (inkasta oo tani dhif dhif tahay).
Caalamaduhu waxay ku kobcaan afar marxaladood:
Marxalada 1: nabar yar oo xanuun lahayn ama kuusmo yar oo adag ayaa ka soo baxda hal ilaa iyo toban wiig ka dib marka cudurka la qaado, meesha u dhaw barta uu fayrusku jirkaaga ka galay. Halkani waxay noqon kartaa futadaada, guska, ama afka.
Marxalada 2:  Ugu badnaan labaa ilaa lix bilood ka dib, waxaad adigu isku aragtaa finan jirka dushiisa iyo xanuun hargabka u eeg kana mid yahay xumad, madax wareer, iyo cuno xanuun.
Marxalada 3: Marxaladan syphilis ku sida caadiga ah ma wato wax calaamado ah laakiin maadaama uu jeermisku goortaas fariisto dhiigga si fudud ayaa lammaanaha galmeed loogu gudbin karaa.
Marxalada 4: Ka dib dhawr sanadood, haddii aan la daawayn, syphilis ku waxa uu joojiyaa in uu noqdo fidaa ku fida lamaanayaasha galmada laakiin marxaladan cudurku waxa uu sababi karaa indho la’aan, dhego la’aan, dhaawac maskaxeed, wadno joojis, naafow, dhibaatooyin sanbab iyo xanuun kedis maskaxda ugu dhaca oo jirka qaarkiis howl-gab ka dhiga.

Warka fiican ee cusubi waxa uu yahay in Syphilis ka lagu heli karo baadhitaan dhiigeed iyo isaga oo gebi ahaan lagu dawayn karo daawo sharoobo, kiniini ama cirbad ah oo disha jeermiska cudurada (antibiotics), isaga oon geysan wax dhaawac joogto ah, waa haddii bilawga hore la daweeyo eh. Xataa marxalada ugu danbaysa Syphilis ku wuu daawaysmaa, laakiin dhaawac kasta oo uu syphilis kuu gaysto dib looma samayn karo.  Maadama oo calaamadaha si fudud lagu gafi karo, waxa qiimo leh in aad si joogto ah u samaysid galmo baaris caafimaad oo guud ahaaneed, kuna jirto baaritaan dhiigeed oo Syphilis ka ah, haddii aad galmooto.

GENITAL WARTS

Warts ku waa burooyin aan caadi ahayn oo jirka ka soo baxa kuwaasoo uu geysto fayruska cudurrada galmada la isugu gudbiyo ee la yiraahdo “human papilloma virus” (HPV). Waxaa la isugu gudbiyaa taabashada xiliga galmada. Noocyo la xiriira fayruskan ayaa ka soo bixiya warts ka meelaha xubnaha galmada ama warts gacmaha korkooda. Inkasta oo dhif dhif tahay, waa suurto gal in warts la isaga gudbiyo gacmaha ka guska, ama futada. Warts ka ku dhaca meelaha xubnaha galmada waxa laga helaa gudaha iyo banaanka guska iyo futada (Genital warts). Caadi ahaan caddaan ah ama guduud khafiif ah, waxay ku soo baxaan qaabab iyo cabbiryo kaladuwan: sulub ah oo siman, adag oo kuuskuusan, yar yar oo gooni u yaalla iyo firiirric u eeg khudaarta ubax cad leh (cauliflower). Iyagu waxa ay leeyihiin si joogto ah cun cun ama xanuun badan, gaar ahaan haddii ay kaa soo baxaan guska iyo futada gudahooga. Haddii ay tani dhacdo waxay keeni kartaa raaxo daro saa’id ah ama dhiigis marka aad adigu wax wasaysid, kaadinaysid, xaaraysid ama biyo baxaysid. Tani caadi ahaan waxay qaadataa qiyaastii sadex bilood laga bilaabo waqtiga xanuunku warts ka ku dhaca meelaha xubnaha galmadu uu noqonaayo mid muuqda. Hasa yeeshee waxay iyagu muuqan karaan ugu dhaqso badnaan laba wiig ama ugu sarayn sanad ka dib marka fayruska la qaado. Daawo la’aan warts ku way tarmaan oo faafaan waxayna qaadan kartaa mudo dheer sidii iyaga looga takhalusi lahaa.

 

BAARIS

Nin khaniis ahaan, waxa muhiim ah in la iska baaro cudurada galmada lagu gudbiyo si joogto ah, doorbid ahaan 6 dii biloodba mar iyo iyada oon ahayn uun marka keli ah ee aad samaysid galmo aan is ilaalis lahayn laakiin ay ka qayb noqoto nolol galmeed caafimaad leh. Hasa yeeshee, haddii aad leedahay lamaanayaal badan oo galmeed, waxa lagugula talin lahaa in aad 3 dii bilood ba mar is baartid.Is baaritaanka waxa lagu samayn karaa kiliniigyada gaarka ah ee Daawaynta Kaadi mareenka iyo Saxaaxa (GUM) (Genito Urinary Medicine). Waxaa laga yaabaa in aad ku maqasho; kiliniigyada cudurrada galmada la isugu gudbiyo (STD), gaarka ah, caafimaadka galmeed, VD ama Clap.

Waxaad xarumahan bukaan socodka oo dhan ka helaysaa:

  • Warbaxin iyo talo uu ku siinayo taliyaha kuna saabsan cudurada galmada la isugu gudbiyo iyo caafimaad nolol galmeed.
  • Talaalyo, baaris iyo daawooyinka cudurada galmada lagu gudbiyo.
  • Cinjiro iyo saliidahooga biyaha laga sameeyay.


Waa muhiim in aad ogaatid in:

  • Jidka loo maro baaritaanku caadi ahaan qaato waqti yar oo aad u kooban iyo jawaabaha oo aad qaadan kartid isla maalintaaba, maalinta ku xigta ama wiig iyada oo ku xiran xarunta bukaan socodka gaarka ah.
  • Daryeelada xarumahan bukaan socodku gabi ahaan waa qarsoodi oo laguma dari doono diiwaankaaga caafimaad ee dhakhtarkaagu hayo. Waxa intaas dheer, waxaad isticmaali kartaa magac been ah (magac kale) haddii aad adigu rabtid.
  • Ha la samayn galmo qof kale haddii ay kuu socoto daawayn cudurada galmada lagu gudbiyo (STI) ilaa iyo inta aad adigu daawada ka dhamaystiranaysid ood qaadatid baritaan kuur galis ah si loo xaqiijiyo in aadan waxba qabin.

Wasmadu waa wax fiican, hasa ahaate, khatar baa ku jirta oo haddii aad ka sii war hayso halista, waxaad yeelan kartaa nolol galmeed oo sii caafimaad badan.

Ma aha nooca shaqsiyadeed ee aad adigu tahay, hab nololeedka aad raacdo, ama meesha aad adigu dunida ka timid ee ku gelinaysa khatarta in aad qaadid cudurada galmada lagu gudbiyo laakiin sida runta u dhow waa waxa aad adigu samaysid. Sidaas darteed bay muhiim u tahay in aad ku camal fashid galmo aan khatar lahayn.

Waa kuwan dhawr xeelood oo adiga kaa caawinaya sidii aad adigu u maarayn lahayd nolol galmeedkaaga:

  • Ku raaxayso galmada, isticmaal cinjir.
  • Baaritaan joogta ah samee.
  • La soco wax kasta oo cusub kuna saabsan arimaha galmada caafimaadka.
  • Samee ficil haddii aad adigu isku aragtid wax caadiga ka baxsan.

 

 

 

Who's Online

We have 106 guests and 2 members online

Accommodation