You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?
The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles. Go on, give it a go.
Posted by Administrator
Ku soo dhawow bulshadayada
Hadaad tahay qof khaniis ah waxa daruuri ah in aad fahantid ka sokow halganka aynu la kulano markaynu is aqabalayno nafsi ahaanteena iyo ta bulshada dhexdeedaba, in ay ugu muhiimsan tahay inaynu garawsano in aynaan kelideen ahayn iyo in ay jirto bulsho weyn oo khaniisiin ah taas oo qof ka heli karo nidaamyo badan oo caawimo iyo aqbalaad leh.
Dad badan baa u arka galmada waxa ugu badan ee macna weyn leh aragtida khaniisnimada. Tani kaliya maaha ta keliya ee dhaqanka ku dhegan laakiin sidoo kale waa eray gaf ku ah dadka qaar. Iyada oon si khalada ahayn, bulshada khaniisiinta dhexdeeda, galmadu waa waxa ugu fudud ee sahalka lagu helo laakiin jacayl ka dhexeeya laba nin ama laba naagood waa mid sidoo kale si caadi ah looga helo. Tan oo ay ku jiraan isku xirnaansho jir iyo qiiro leh oo heersare ah.
Jacaylka iyo isjiidashada labo nin dhexmartaa waa wax caalami ah oo la cadeeyay bilaw ilaa dhamaad taariikhda dhaqamo badan oo kala duwan. Khaniisnimadu maaha caado xun oon la sheegi karin xumaan darteed ama hab nololeed uu qof soo qaadan karo markuu ku noolaado galbeedka sida aynu inagu badankeenu ka maqalay reerkeena, asxaabteen ama bulshadeena oo leh.
Saaxiibtinimada Khaniisiinta dhexdeeda waxa weeye mid sidoo kale muhiim ah maadama xaaladaha badankood ay inoo noqdaan qoyskeena labaad. Dadka qaarkood inba inka badan bay isku haleeyaan marka laga gooyo qoysaska dhaqameed.
Markaad tahay wiil khaniis dhalin yar ama gabadh khaniisad dhalin yar oo Soomaali ah, in aad banaanka u soo baxdid waa dhacdo laga cabsado in la sameeyo maadama ay ku lug leedahay in aad heshiisiisid diinteena iyo dhaqankeena kuwaas oo sida badan ka soo horjeeda khaniisnimada.
Hasa yeeshee waxaa jira laba nooc oo banaan usoo bixis ah: banaan usoo bixista uu qofku naftiisa isku soo banaan baxo iyo mid uu u soo banaan baxo dadweynaha. Ta aadka u mihiimka ah labada waa isku soo banaan bixista shaqsi ahaaneed, aqbashidna in aad adigu soo jiidatid kuwa aad isku jinsiga tihiin iyo inay yihiin dareemo dabiici ah ood ku dhalatay kuwaas oon la karin in la bedelo iyo iyada oo aan macnahu ahayn in aad adigu qof kale u sheegto wax galmadaada ku saabsan.
Intaa waxaa sii dheer, is aqablaadani daruuri ahaan macnaheedu maahan in aad adigu ka takto ama dayac tirto qaabyada kale ee shaqsi ahaantaada ka mid ah kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqanka, diinta ama ta badanaa ugu muhiimsan shaqsi ahaantaada intaad kadaba ordaysid waxaad adigu u malaynaysid waxa khaniis ama khaniisadi ahaan lahaayeen.