|
Page 1 of 2
Tani waa qiiso dhab ah oo shakhsiyan aniga igu dhacday, ka dib dhiri galin badan oo aan ka helay asxaab ayaa waxay igu dhiri galiyayn in aan la qaybsado waayo aragnimadayda Khaniis nimo bulsho weynta oo aan bal u iftiimiyo wax badan.waxay ka koban tahay laba qaybood oo kala ah:
1- dareenkaygii yaraanti ilaa xiligii hore ee dhalinyaro nimada iyo dareenkaygii khaniisnimo ee hore.
2- xidhiidhka jacayl ee naga dhaxeeya aniga iyo lamanahayga, iyo wixi aan kala kulanay markii aanu u cadaynay in aan nahay khaniisin qoysaskayaga.
Aan ku bilaabo qodobka hore eh, waxaan ahaa wiil ah da’ada dhexe ee qoyskayaga aadna xidhiidh dhow ula leh dhamaan qaybaha u ka kooban yahay qoyska aan ka dhashay ama ii dhalay oo la jecel yahay, kuna fiican waxbarashadiisa, dhago nugulna marka ay noqoto adeecida walidka oo waligiis aan lagu arkin habayaraatee wax nusqaan ah ama liidasho dhinaca waxbarashada iyo nooloshaba.
Yaraantaydii maan lahayn asxaab aan la ciyaaro oo aan ka ahayn hablaha aanu walaalaha nahay oo aan guriga ku wada ciyaari jirnay.Markii aan gaadhay wakhtigii dhalinyaranimada da’deeda hore (teenage), waxaan wali sii ahaa qof iskuulkiisa iyo xidhiidhka qoyskaba ku fiican oo mar walba dhiiri galin ka hela bulshada iyo qoyskaygaba.
Wakhtigaas isaga ah, ayaan bilaabay asxaab inaan yeesho kuwaas oo aanu isku raacno meelaha dhalin yartu ku cawayso gaar ahaan kilaabyadda (Night Clubs). Inta badan waxaan u tagnaa in aan soo ciyaarno, midkeena wax hablo ah lama saaxiibo aha, kamana aan baran meesha aanu tagno maadama da’dayadu yarayd hablahu fursad namaysiin jirin, sidaas oo ay taydu ka sii xag jirto maadama marka laga yimaado in aan meesha u yimaado in aan ku ciyaaro niyadayda kuma jirin wax jacaylana uma hayn in aan gabdho ka barto sida asxaabtayda oo kale. Marka ay ii waydiiyan sababta aan ula hawl gali waayo waxan ku gaabsan jiray jawaab qab ka muuqdo oo ahayd ‘waxaan naaggo qurxoon maaha ama maaha qaar u qalma in aan barto’.
Taa ka sokow sidaydaba soo jiidasho ama xidhiidh midna uma qabin wiilasha, laakiin su’aal ayaan is waydiin jiray ahayd, ‘maxaad sidda qayrkaa aad gabadh ula saaxiibi laadahay’ se waxaan isku qancin jiray ‘in aan ahay qof waxbarashadiisa ka adag oo degan, qayrkayna ay yihiin kuwo liita oo sidaas door mooday maadama ayna ahayn qaar ku fiican waxbarashadda’. Sidaas markii aan mudo ku waday ee haba yaraatee ayna markaliya niyadayda ku soo dhicin inaan si’uun u ahay khaniis waxaan haddana uurka ka dareemi jiray in wiilasha asxaabtayda ah aan qaarkood sidda walaaltinimadda ama ixtiraamka aan u qabay uu ka duwanaa kuwa kale. Waxaa markan la soo gadhay 2004 markaas oo aan 20 jirsaday, isla markaana aan dhameeyay dugsiga sare. Kadib waxa dhacday intii aanan jaamacada galin in isla sanadkaa aan u guuro guri kaliday bilaabayna seeto goosi aniga oo ku kicitmay sigaar iyo khamro cabis iyo qaad cunid, taas oo markaas uun ku ekayd labadda cisho ee fasaxa la yahay ‘weekends’. Tani waxay dhalilasay in aan asxaabul-balwa badan sidaa isku barano meelna iskugu kaayo keento.
Waxay ayayday igu odhan jirtay markaas ka hor mahmaah odhanaysa ‘waxaan nabad iyo caano ahaynba waa la is qaadsiiyaa’. Xiligan waxa nagu soo kordhay oo iyaguna wakhtiga nala riixa hablo Soomaaliyeed oo asxaabul-balwad ah oo aan mararka qaarkood fooda is dari jirnay. Markii aan xaladaa ku jiray 3 bilood oo ahaa wakhtigii xiliyada fasaxa (summer holidays) ahna waqtiga keliya ee dhalinyaradu fasaxa haysato ayaan halkaa jaamacada ku bilaabay, ka dibna mar kaliya joojiyay balwadii iyo asxaabteediiba.
Haddaba habeen habeenada ka mid ah ayaan qaylay taas oo i gelisay dareen waxoogaa kacsi leh, ka dibna waxaanu kulanay khaniiskii nolashayda iigu horeeyay ee aan wax la sameeyo, kaas oo aan wakhti gaban ka dib isa salaamadaynay. Dhacdadaa dabadeed, su'aalo badan ayaan dib isku waydiiyay waxanan aakhirkii eeda saaray maskaxdayda oo aan caadi ahayn iyo nag la'aani inay ii gaysay.
Hadalba waa ka danbeeyee, wakhtiba wakhti, mudaba mudo, laakiinse aan khaniis nimada u arko wax aan anigu shakhsi ahaantahayda siba u gayin maadama oo aan anigu ahaa ka wax u taga (top), khaniisnimaduna tahay ka loo tago uun (bottom). Laakiin mudaba mudo, maalinba maalin waxaa ii sii kordha aqoonta aan u yeelanayo macnaha ay leedahay kelmadda ‘khaniisnimo’ (Homosexual) oo ka dib markii aan sameeyay baadhitaano iyo akhrisyo badan ugu danbayntii 2006 kii waxaan ku dhiiraday ilayn 'ceel nin galay ayaa laga waraystaaye’ in aan barto khaniisiin badan oo waliba Soomaali ah si aan bal xaaladda ama sirta ku aasan ‘khaniisnimada’ aan u ogaado, marka aniga marna igama ahayn in aan naftayda ku qanciyo inaan khaniis ahay ee ujeedadaydu waxay ahayd in aan naftayda ka qanciyo in khaniisnimadu tahay nolol aan u arkaayo in ay raqiis tahay.
Hasa yeshee u’kuur galkaygii waxa ii soo baxay aragtiyo badan oo ii jilciyay waxay ka dhigan tahay in aad noqoto khaniis (homosexual/gay), taasoo ay sababtay baadhintaankaygii aan qof walba oo khaniis ah oo aan la kulmay waydiin jiray 3 su'aalood oo ahaa:
1- sideed u aragtaa in aad khaniis tahay, 2- goormaad dareentay khaniis in aad tahay iyo 3- ma ku faraxsan tahay qofka aad tahay,
Runtii aragtiyo kala duwan ayay i siiyeen laakiin dhamaantood ku biyo shubanayaa in ayna ahayn nooloshaasi mid ku timid doorashadooda, ka dib ayaa waxa dhacday maskaxiyan (mentally) in wax weyn aan iska bedalo, ka dibna waxaan goostay bal in aan anigu sameeyo tijaabo nafsiyan ah oo aan bal naftayda ogaado qofka ay tahay idhina ‘col-ka wadhaf ma lagu dayay’. Dabadeed waxaan xidhiidh la sameeyay gabadhii iigu horaysay ee u jacayl na dhex maro, kadibna jacayl ayaan wada beernay, hase yeeshee mudo yar ka dib iyada oo aan weli wax galmo ahi na dhexmarin ayaa dabayl rabaane oo kale na martay, halkaas baanan isku maca salaamaynay. Ilaahay yaab ii keen oo haddana yidhi bal xaga kalena eeg. Ka dibna waxaan bilaabay in aan sameeyo inaan wiilasha la baxo (guy dating) halkaas oo aan ku biiray xubinna ka noqday shebekad ka mid ah shebekadaha ku takhasusay kulanka khaniisiinta oo keliya wadankan aan ku noolahay. Halkaas oo ay khaniisiin badani igala soo xidhiidheen hasa yeeshee ujeedadoodu waxa ahayd in ay rabeen samayn galmeed oo kali ah, halka aan anigu ka rabay inaan helo lamaane aan isjecelnay oo aan nolosha wada wadaagno.
Bilo ka dib aniga oo aan cidna la kulmin kana daalan, isla markaana niyad jab ka sii qaaday khaniisnimada ka dib markii ay laamaneyaal ila soo xidhiidheen iyaga oo iga codsanaayay in aan sadex qof galmo ku wada samayno oo runtiina u arkay in iyana noloshani ahayn mid rasmi ah ayaa maalin malmaha ka mid ah aniga oo sidda caadiga ah aan galin shebakadan gaar ahaan wakhtiga malintii aan galin ayaan galay taas oo aan halkaa kula kulmay Hanad oo kadib markii aan qoraalo gaagaaban is waydaarsan talefanadda kala qaadanay, wadda hadalkeenu xigay.
Runtii aragtidaydii ugu horaysay rajo ayaa ii gashay, wada hadalkiina kalsooni ayuu igu beeray. Muddo maalmooyin ah markii aan taleefanka fariimo qoran iyo mid wadda hadalba leh isku waydaarsanay ayaa waxay taasi nagu sii dhalisay in labadayadaba beeritaan jacayl oo aan kas ahayn dhexdeena ka beermo kaas oo maalinba maalinta ka sii danbaysa sababay in aanu isku soo dhawaano aadna isu sii jeclaano anaga oo midba kan kale ku qanacsanyahay kalsoonina na gashay.
Mudo markii aan sidaa ahayn ee anaan weli kulmin laakiin midba ka kale weli sidii u jecel yahay oo haddii aan meel iskaga soo horbaxnona dadka iska garanaynu maadama aan sawiro iswaydaarsanay ayaanu kulanay. Runtii maalin aan odhan karo waxay ahayd maalintii noolashayda igu qiimiha badnayd ayaan wadda qaadanay, waxaanu markaa isla garanay in aan mustaqbalka wada degno, haddii ay dhacdo in xidhiidhkayaga la tuhmana anaan waxba cid ka qarin oo aanu sheegno waxa naga dhexeeya maadama oo aanu ku qanacsanayn cidda aanu nahay hadeer.
Runtii Hanad waxa weeye qof sidayda xidhiidh fiican la leh qoyskiisa oo nolol maalmeedkiisana u guta sii aad u fiican, laguna yaqaano deganaan iyo wanaag aan marnaba noloshiisii hore lagu tuhmin khaniisnimo haba yaratee, sidoo kalena lala raadiyo hablaha kuwa loo arko in ay u qalmaan.
Waxay arin noo ahaataba markii u iga noqday ka dib jacaylkayagii waa ka sii fiicnaaday intii hore oo heer waxaan gaadhnay aroorti midkayana u bixin wajibaadkiisa yowmiga (daily life) ilaa u kan kale maqlo warkiisa sidoo kale habeenkii anuu seexan ilaa u kan ka kale warkiisa helo. Dhowr booqasho oo kale ayaanu is waydaarsanay ilaa intii uu qoyskiisa qaar ka mid ah dareen tuhun ku beermay ka dib markii ay heleen calaamado ka war bixinaya waxa naga dhexeeya laakiin tani waxay noqotay arin ah ‘sheega ma dhaafto’ oo siba loogama hadlin, in kasta oo ay dareemayeen wiilkii ay jeclayeen inuu khaniis yahay haddana waxay noqotay wax la quudhsan waayay oo riyo uun ah.
Mudo ka dib waxa la soo gaadhay in aanu wada degno oo aanu noqono qoys. Se intii aan ku jirnay arintaa tabaabulshaheeddii ayaa Hanad qoyskiisu waydiin jireen su'aalo badan oo ay ka mid ahayd ‘halkeed u guuraysa’ taas oo uu kaga jawaabay in aan is jecelnahay oo aan wada degayno!. Yaab iyo amakaag ayay reerkii qaadeen dabadeed sheekadii ayaa hoosta la iska xuluuliyay ilaa ay gaadhay qof walba oo qoyskiisa ka mid ah, waxay ku noqotay u qaadan waa iyo laf dhuun gashay. Runtii maadama oo uu Hanad dabeecad ahaan ahaa qof aad u adeg xaga niyada siiba jacaylka aanu is jecelnahay cidna dheg uma dhigin, sidiina waanu ku wada degnay oo xataa habeen kaliya maanu dareemin in wax dhib ahi ay jirto waayo anaga ayaa is jeclayn isku tiirsanayn, daacadna isku ahayn oo waliba ku filnayn noolashayada.
Maalmo aamus iyo shuxshux ayaa ilayn war xumi ma oole qoyskaygiina war diiran oo aan la jeclaysan oo buunbuunin badani ku jirto sii duur xul ah loogu dhiibay, ‘iyo maanu jeclayn in aan warkan idiin keeno’ ‘ilaahay yaab!!! u keen oo arintii u qaadan waa’iyo af kala qaad ayay ku noqotay, dhabanka iyo gacanta ayaa is huri waayay, qof walba oo qoyska ka tirsan oo sii uun war ka dhiilada loo arko u gaadhay, ‘oo yaa war kan laga keenay?’ ‘of course, waa Ahmed-cade’ wiil loogu yeedho oo qoyska oo dhan laga jecel yahay waligiisna maanta ka horow war xun laga maqlin, tala ku ciirtay amuusnaan gaaban ka dib waxa ila soo hadlay qofka aanu qoyska iskugu wanaagsanayn ee anaan waxba ka qarin jirin, su'aal koban ayaa salaan ka dib la ii waydiiyay taas oo ahayd: ‘Ahmed, waaxanu maqalnay maxaa ka jira?’ waxan ugu jawaabay, ‘waa run wiil aanu is jecel nahay ayaanu wada noolnahay hadeer sida wax loo sheegayana maha’. Jawaabtii ayay is diidsiisay malaha waxay u qaadatay in ay riyoonayso, way jeclaan lahayd, laakiin waxa dhacayaa waa dhab, sidii bay igu maca salaamaysay.
Mudo maalmo ka dib ah ayaa marti qaad qoyskayga ka helay la rabo bal in wada xajood la ila galo, oo la igala hadlo xaajadan ugubka ah ee hore aan qoyskani sinaba ugu diyaar garoobin ee soo boodada noqotay. Aduu, ka ogolaaday martiqaadkii iyaguna waa ay soo dhaweeyeen ogolaanshahayga iyaga oo is leh waa Ahmed kii baariga ahaa oo waad qancindoontaan. Waa la isku habar wacday, oo intii malaha la is lahaa waa kuwa uu u jogsado ee uu wax ka qaato ayaa la ii doonay aniga oo isku qanacsan oo ayna wali iga baabi'in dareenkii dhunkashada sagootiska ahayd ee Hanad isiisiiyay ayaan gaadhay qoyskaygii.
Soo dhawayn diiran ka dib iyo is xaal waraysi guud waxa loo guda galay ariinti la iigu yeedhay, waano hibo tusaalayn dhaqan oo diinaysan ka dib waxa la ii siiyay hadalkii ana afka ayaan la kala baxay aniga oo dib u xasuusinaya qofka aan ahay iyo sidaan reerka ula ahaa wiil fiican walina isku haysto, kaliya ay tahay, waxa soo kordhay Hanad oo aan is jecelnahay taasina ayna ahayn doorashadayda ee ay tahay wax aan u dhashay. Waxaan u sheegay si cad in aan ahay Ahmed kii shalay, ahaan doonana, oo anaan sinaba uga go'ayn qoyskayga wanaag iyo xumaanba sidii doonaan ha ii arkaana.
Runtii hadalo qiiro leh oo niyada ka imaanayay ayaan kula hadlay, taasina waxay ku qasabtay qaar badan oo madasha la igu caqli celinayay fadhiyay in ay taabato marka laga reebo aabahay iyo wiilkayaga ugu weyn reerka iyaka oo u arkaayay arintan waxaan sinaba loogu garaabin karin oo fooqal caqli ah laakiin aqlabiyaddii si kal iyo lab ah u aqbaleen iyaguba inkasta oo ay jeclaan lahaayeen in aan caawa taladooda qaato waaxan niyadda iska idhi in ay ku aqbaleen waxa aad uga fiicantahay in lagu dayrsho, sidii ayaan isku soo maca salaamaynay iyada oo xidhiidh fiicana u noo sii dhex maray qoyskaygii, Aabahay iyo walaalkay oo go'aan adag iska taagayna ay noqdeen kuwo balimiya in aanay goynin xidhiidhkeena inkasta oo ayna i aqbalin ayaa aniga oo faraxsan ku soo laabtay Hanad oo ah Qofka aan dunidan ugu jecelahay.
Xaqiiqiyan socdaalkaasi waxuu noo ahaa labadayadaba mid guul dubloomasiyadeed oo weyni noo soo hooyatay. Intaa ka dib waxaan ku qanacnay in aan wali tageero ka heli karno reerakayga maadama ay aqbaleen waxaan go'aansanay labadayadu. Waxay arintani nagu dhiiri galisay shucuur xoojinaysa dadaalkayaga noololeed si aanu u horumarno anaga oo muujinayna in aan nahay qoys jira iyo inaan nahay dad wax qabsada. Mudo yar ka dib Soomaali baan nahaye waxa bilaabmatay in qoyskii Hanad ay bilaaban in ay sii aan baydh baydh lahayn u aqbalan qoysnimadayada. Maalmo ka dibna waxaanu isku raacnay fasax gaaban oo u haystay inuu booqdo qoyskiisa ka dibna u qanciyo isaga oo waxna fahansiiya. Runtii sidii ayuu yeelay waxaanuu ku guulaystay in uu intii wax fahmi kartay ee qoyska ahayd in uu wax fahansiiyo iyakoo iyaguna aqbaleen in ay noqdana qaar iyaga qudhoodu wax fahansiiya inta waaweyn ee dhaqanka ku dhagan.
Waxa uu kala soo noqday farxad ka weyn tii aan qoyskayga ka soo hooyay, mudo ka dibna boqashoyiin ayaanu ku tagnay qoysaskayagii markan anaga oo wada socona. Runtii waanu dareemaynay in dadku is moodsiinayaan laakiin sii diran ayaa naloo soo dhaweeyay waxaana iigu yaab badnayd markii aan boqanay xubin muhiim ah oo qoyskiisa ka tirsan ay makhsin sariir weyn oo laba nafar qaad ah taalo na dejiyeen taas oo runtii aad noo farxad galisay na tustayna sida na loo aqbalay, waxaa iyaduna dhacday xiligii fasaxyada ee sanadkan 2008da sii aan ku talo gal ahayn ay mar kaliya noogu yimaadeen walaashay iyo walaashiis oo ay habeeno nagula dhaxeen aqalkayaga iaga oo aad u faraxsan naguna boogadiyeen qoysnimadayada.
Hadeer halkan ayaanu ku wada nool nahay aniga iyo Hanad oo is jecel, isku faraxsan oo daacadna isku ah. Tani waa runtii riyo ay yar tahay in ay run uga dhex dhacdo xataa bulshoyiinka aadka looga tixgeliyo khaniisnimada, laakiin tani waa dhab laba khaniis oo Soomaali ah ka dhex dhacaysa, iyada oo aanu labadayaduba u aragno waxyaabaha noo sahlayn noolol tan oo kale ah oo dhib lagala kulmo in ay ka mid tahay, ugu horayn niyad daacad ah oo aanu isku jecelnahay iyo taariikhdayadii hore oo ahaa mid wanaagsan kaas oo aan had iyo jeer karti badan ku muujinay. Daacad ahaan waxaan anahay laba qof oo marka ay dhib iyo dheefba jirto ay qoysaskoodu tabin oo kaalin muqata oo wax ku ool ah ku leh, runtina ma lihin asxaab khaniisiin ah xata asxaab badan oo caadi ah sidaas oo ay tahay wax noo farxad ah in aanu nahay dad iyagu is daneeya oo aan marnaba tabin cid kale, sidaas ayaanan mar walba ku ducaynsana in aan noolashayada ku dhamaysano.
Waxaan ku faraxsanahay akhriste in aad igala qayb qadato waayo aragnimadayada badweynta noolasha khaniisnimada aan ka dhaxalnay, sababta aan u soo gudbinayanaan waa 3 ariimood:
1- aniga oo ku faanaya (proud) qofka aan ahay iyo jacaylkayga. 2- aniga oo raba in aan kugu dhiiri galiyo in aad ku dhiirato in aad cadayso qofka aad tahay. 3- in ay tahay khaniisnimadu wax ay bulshada Soomaalidu ay aqbali karto oo aan ceeb ahayn, laakiin waa haddii aad noqoto qof isaga horta la aqbalsan yahay.
Ugu danbayntii waxaan iga talo soo jeedin ah :
Khaniisnimadu ceeb maha, mana ahaa sida ay dadka qaar qaban wax ku koban galmo kaliya waa noolol ka baladhan laakiin ku xidhan kolba sawirka u ka bixiyo qofka ah iyo sida u bulshada iskugu tuso. Inta badan mushkiladaha aan dareemay in ay haystaan Soomaaliduna ay iinta uga dhigto khaniisnimada waa: qofka khaniis ah oo noqda qof liita ah oo aan noolasha iska dhicinteeda ku fiicnayn hadduu doonana dumarka la sheeko ah ama sameeya waxyaabaha ragga caadiga ah (heterosexual) ay ka yaqyaqsadaan, dareenkiisana riqiis dhaafsada oo had walba miciyaha la haleelo, taas oo somalida u tustay in uuna ahayn shakhsigu qof liita ah ee ay tahay khaniis nimadu tan wadata liidnaashaha oo ay tahay noolol dhilonimo, ta kale qof ku waxa u wax noqda marka u laba wax is ka dhigo:
1- kalsooni in uu isku qabo, 2- uu ku qanacsan yahay qofka u yahay,
Marka soomaali badan ayaa jirta oo khaniisiin ah laakiinse aan isku arkin siiba badanaa kuwa wax u taga (top) oo u arka in ay ku koban tahay khaniisnimadu kaliya kuwa hoosta ah (Bottom). Anigu sidaas mah qabo waayo khaniis marka aad micnaheega u noqoto waa qofka dareenku u qabto dhiigisa la sinjiga ah, sida wiil in uu wiil dareen u qabto ama gabadh ay gabadh dareen u qabato, marka waxaan odhan laha qof walba waxa looga bahan yahay in u horta naftiisa darso, ka dibna wadnihiisa dhagaysto oo ka dibna u go'aan gaadho, waayo in aad maalmo yar murugoota waxay ka qiimo badan tahay in aad noolashaada oo dhan murugo ku dhamaysato. Ta kale dhumalaysigu wuxu keeni kara in aad naftaada iyo bulshadaada aad xidhiidhka la wadagaysaba aad aafayso oo waxad halis u tahay cudurada galmada lagu kala qaado oo Aydhiska (HIV/AIDS) u weeyn yahay, markay ugu yartahayna adiga oo god aad ku dhumanaysay lagugu soo gaadho ceeb ayaad bulshada ka mudanaysa, maaha muhiim in aad noqoto khaniis cidkastaa ogtahay ama (openly gay) aniguna talo kuguma siinayo sidaas lakiin waxan kugula talinaya in aad naftaada iyo noolashaada dacad u noqoto.
Ogsonoow in aanad ku joogin wado sahal ah, runtii waa wado dhib badan marka aynu nahay waliba Soomaali jidkuna waa qodxo badan yahay, marka haddii anaad haysan khariidad (road map) aad ku jid marto iyo sahay kugu filan waxaad halis u tahay in aad god gasho adiga oo aan gadhin halkii aad u socotay, reer galbeedka (western countries) aad manta aragtaan xuquuqda ay khaniisiintu ku leeyihiin fadhi iyo dhuumasho kumay imaan ee qaar ayaa dab loogu shiiday, mana jiraan dunidan wax iska imaada sida ay Soomaalidu amiinsan tahay, marka qof walba oo bulshadeenan ka mid ah wadar iyo kaliba waxa hor yaala halgan wajiyo badan waxa la inooga bahan yahay in aynu muujino karti dheeriya iyo kalsooni.
Akhristayaal, waxay ii noqon doonta farxad hadaad ii soo gudbisaan talo, tusaale ama dhaliil wixii aad qoraaalkaygan ka qabtaan.
Waad mahadsantahiin
Ahmed
Quote this article on your site
|