Login Form






Lost Password?

 

(Eraygii sirta ahaa oo Lumay?)

 

No account yet? (Wali isma qorin) Register (Isqor)

Article Submission

You have sat down and written an outstanding article, but is your article just going to be collecting dust? Or maybe reach a couple of potential people only?

The answer of course is no. At ASomali Gay Community you can submit your articles and have them published on the website to reach the thousands of visitors eager to read interesting articles.  Go on, give it a go.
 
Noloshayda iyo Khaniisnimadda Print E-mail
Posted by Svenne30   
Article Index
Noloshayda iyo Khaniisnimadda
Page 2

Waxaan lahadlay goor hore saaxiibkeyga qaaliga ah Cusmaan oo kamid ah asxaabtayda khaniisiinta ah. Waxaan saaxiibo nahay imika ilaa iyo 5 sanadood. Cusmaan asxaabtayda wuu ugu qaalisanyahay waana ugu jeclahay. Wuxuu igu dhiirageliyey in qoraal ahaan ku baahiyo khibradeydii khaniisnimada. Waxaan fadhiyaa daaqadayda kushiinka oo aan isku dayayaa inaan qoro sheekadaydii. Dibadoo idil waxa buuxa baraf. Waxaa suuragal ii noqotay inaan dib usoo xusuusto noloshaydii berigii hore. Mar waxa ka fakeraa siday xaaladayda ahaan lahayd hadaanan halkan Yurub iman. Mar waxan ku qoslaa maalintii magaalada Nairobi aniga iyo Kaahin oo wasmadu meel wanaagsan noo marayso ay hooyadey iridka nagu soo garaacday. Waxaan mala awaalayaa sida xaaladu noqonlahayd hadaan waalidkey iyo walaalahay usheego khaniisnimayda.
 
Ahh......noloshayda inta badan imika halkaan Yurub ayaan ku noolahay. Farxad weyna waa ku nolahay imika. Waxbarashayda jaamacada waxan ku dhameeyey 24 jir. Waxaan haystaa shaqo wanaagsan iyo xornimo weyn. Inkastoo cidi i ogayn hadana marwalba waxaan xor u ahaa inaan samayn karo waxaan doono lana kulmi cidaa doono. Sababta iigu weyn ee aanan cid ugu sheegin ilaa imika waa waalidkey. Waa hubaa inay dhaawac weyn ukeenayso caafimaadkooda. Waxaan go aansaday inay wanaagsantahay inaan xaaladooda ka fakero. Aniga waan ogahay waxaan ahay waana ku faraxsanahay runtii khaniisnimadeyda laakiin nolosha waxay i bartay in keli aan la iska fakerine tixgelin la siiyo dadka kugu hareereesan. Waxaase jirtay inaan marar iskudayey inaan reerka usheego. Waa igu adkeyd inaan erayadaa ku dhawaaqo tixgelintooda awgeed.
 
Waxaan tebeyey waqtigaan intan ka da yaraa inaan helo dad sideydoo kale ah oo iiga warama noloshan, suaalahayga iiga jawaabi karay amaba la kulmo. Nasiibdaro maanan helin. Waan ku faraxsanahay sidaa darteed in maanta fursadan ay timi. Website in soomaalidu hesho. Waan u mahadcelinayaa inta walaalaha ee isku taxaluujisay inay suuragal noqoto.  Waan ogahay inta waqti qaali ah idinka galay. Waa ogahay in qarash idinka galay. Waa mahadsantihiin. Imika waxan soo gudbinaya qeybtii hore noloshayda.
 
 
 
"Irida jaceylka waa adagtahay furideeda waana adagtahay xirideeda"
Maahmaah China ah
 
 
Waa habeen bisha november. Waxaan aniga iyo hooyadey kasoo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden. Waxaa nasugayey walaalahay iyo aabahay. Waxaan 18 saacadood iyo 45 daqiiqadood ka hor isa soo macsalaamaynay Kaahin. Waa ii muuqataa wejigiisii, ilinta indhihiisii. Waxaan maqlayaa hadaladiisii. Si sagootintu u fududaado waxaan isleenahay erayo ah “ waa is arki doonaa, waa soo noqonayaa 6 bilood ka dib, waa is wacaynaa taleefan maalin walba, waa ku jeclahay….”  Intay diyaarada nasoo waday hooyadey waxay iweydiisay marar sababta aanan ugu faraxsanayn inaan aabo iyo walaalo u tagno. Waxay ilahayd in mustaqbal wanaagsan iyo waxbarasho wanaagsan aan iminka heli doono Yurub. Maskaxdeyda wax kalaa ku jira. Sidee noloshaydu noqon doontaa Kaahin la aantii? Anagii iska balanqaadnay inaan weligeen isku meel ku noolaano?
 

Sanad iyo bar kahor
 
Waa habeen fiid ah magaalada Muqdisha. Waxaan ku dhowahay 14 sano jir.  Saaxiibaday Mustaf iyo Cawil ayaa iga soo maray aqalkeena.   Waxaa tagnay meel aqalka udhoweyd oo la fariisto. Waxaa inyar dabadeed nagu soo biiray inan magaciisa laygu sheegay Kaahin. Horay dusha waynu isaga aragnay laakiin maynu wada hadal inkastoo aynu jaar ahayn. Dhowr cisho dabadeed ayaynu markale is aragnay oo sheekaysanay. Kaahin 3-4 sanadood ayuu iga weynaa. Waqti kadib waxaanu bilownay inaynu wada seexano (sex). Ma garanayo runtii siday xaalada wasmadu ku bilaabatay….heeeey yaase kala jecelse. Waxaan xusuustaa inay wanaagsanayd.  
 
Kulankeenii waa batay ilaa maalin walbaba saacado badan wada joogno. Kaahin reer aad u sabool ah ayuu ka yimi marka aqalkayagaanu u badneyn. Dusha sare saaxiibo caadi ah ayaan ka ahayn reerkeenana si ruux ka tirsan yuu ka noqday.  Laba dugsi ayaanu kala dhigan jirnay waxaanu isku daynay inaynu isku soo bedelano si aynu waqti walbaba iskula joogno, laakiin waalidkey iima saamixin. Habeen inagoo sariir wada saaran ayuu intuu i eegay igu yiri “ Samantar waxaan rabaa inaan mustqabalka isguursano”. Ma aqaan runtii waxa maskaxdiisa ku jiray marka uu sidaa lahaa maadaama hadalku intaa ku ekaaday. Faker badan ayaa aniga igu dhashay. “ labo wiil miyaa isguursan kara? Maxay dadku oran? Walaalahay iyo waalidkay nafta miyey iga qaadi lahaayeen? Yaa i badbaadin lahaase?”   Waa la garankaraa marka 14 jir la yahay ruuxa aragtidiisa halkey gaarsiisantahay. Xiriirkeenu waa sii xoogaystay, kulankeenii waa sii kordhay ilaa Kaahin aqalkeyga ila seexdo. Waxaan
 sidaa ku soconay ilaa iyo sanad.
 
Wax walboo bilowda meel ayey ileyn ku dhamaadaane waxaa bilowday dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Si kadis ah ayaa reerkayga go aansadeen in magaalada isaga baxno. Waqti yar baan fursad u helnay inaan ismacsalaamayno. Ilin iyo dhunkasho badan kadib waxaanu is ogaysiinay in dagaalku dhamaanayo 2 wiig, ka dibna aan dib danbe isku arki doono. Waraaq jacayl uu gacanta ku qoray iyo sawirkiisa ayuu ii keenay.  Waraaqda aniguu ii qoray kana hadlaysay intuu i jeclelyahay iyo siduu mustaqbalka rajeynayey. Dhabtii waraaqdaa wax badan ayey wehel ii noqotay. Waxaa igu adkeyd oo kaliya inaan dadka kaloo dhan ka ilaaliyo. Wadada intaan ku jirnay waxaa reerkii Kaahin gaartay dhibaato balaaran. Aabihii, hooyadii iyo walaalkii waxaa lala helay madfac halkaasoo ku geeriyoodeen ilaahay naxariis ha siiyee. Aad ayaan uga naxay runtii. Kaahin hooyadii aad bay isugu dhowaayeen
 
Mudo dhowr bilood kadib waxaan si kadis ah aniga iyo Kaahin ugu kulanay wado ka mid wadooyinka magaalada Nairobi. Farxad intii la doonaa aad ugu farxay aragiisii isna sidoo kale. Wuxuu ii sheegay in 4 walaalihii ee ka badbaadeen geeridii ay isla yimaadeen. Inan walaalkii ah ayaa si aad ah isna ugu dhaawacmay madfacii lala beegsaday tanoo sababtay inuu aad naafo noqdo.Waqtigan waxaa magaalada Nairobi jooga aniga iyo hooyadeey. Aabahay iyo walaahay dhamaan Yurub ayey qabteen. Reerkeena waxay qabanqaabinayaan sidaan ugu tagi lahayn waxaana sugaynaa sharcigii aan ku dhoofi lahayn. Waxaan la hadlay reerkeena hadaan caawin karno Kaahin. Sheekada aan soo koobee in yar kadib waxaa suuragal noqotay in qorshe uu ku dhoofo Kaahin loo helay. Nasiibdaro Kaahin wuxuu goaansaday in walaalihii uu la joogo Afrika. Hadeer markaan caqliyeystay waan dareemi karaa in walaal naafo ah iyo inta kaloo ka da yareyd uusan meel cidla uga tegi kerin. Laakiin waqtigaa  fahan weyn umaan hayn runtii. Waxaan aaminsanaa haduu dibada tago inuu soo caawinkarayey walaalihii.
 
Waqtigaan wada joognay waxaa mooday in maskax ahaan aanu kornay. Malaha dhibaatadii nagu dhacday baa wax naga bedeshay si kastaba ha ahaatee xiriirkeenii waa sii xoogsaday. Waxaa xoogaa adkayd in labadeena aan helno meel aan xor ku noqono oo waxaan doono ku samayno. Waxaan samaysanay meel dahsooneed oo habeenimadii aan keli ku noqon jirnay. Weli xusuusteeda waa hayaa in marar qaarkood anagoo raaxo meel wanaagsan noo marayso qasab nagu noqotay inaan joojino sababtoo ah dad farabadan ayaa inagu hareersanaa. Si aan u ilowno nolosha adag waxaanu iska tegi jirnay cinema iyo parks.
 
Waxaa lasoo gaaray ambabaxaygii. Waxa ii muuqda fursada qaaliga ah ee dhaafaysa ee uu ku tegi lahaa Yurub. Waxaan boqol jeer isweydiiyey sababta. Aqalkaygaan nimid. Hooyadey waxay siisay Kaahin 340 dollar. “Kuma ilaawayo eedo, waa kusoo xiriirinaynaa” ayey ku tiri intay dhunkatay. Intuu u mahadceliyey ayuu yiri “Eedo waxaan idinla gaadhayaa ilaa garoonka Jomo Kenyatta”. Waxay isku dayday inay unaxdoo uu iska joogo laakiin wuu ku adkaystay inuu nasagootiyo.  Waxaanu soo gaadhnay garoonka. Wax badan ayaan isu sheegnay inaan is jeclenahay, inaan is arki doonaa, inaan maalin walba is taleefan iskula hadli doono. Wuxuu isoo siiyey labum sawiro badanoo aan isla wada galna iyo waraaq kale. Dhunkasho farabadan iyo ilin badan dabadeed waa soo kala tagnay.
 
Aan kusoo laabto kolkaan imi Yurub.Soo dhoweyn kooban ka dib waxaan iisuura gashay inaan waco Kaahin. Wax badan isma orane waxaa muhiim noo ahayd is maqalkeena. Qofkeen ma ogaan karo waqtigan aan wada hadleyno inta ay qaadan doonto is arageena ugu soo horeeya. In kulankeena danbe noqon doono mid yaab lahoo aanu qofkeena ku tashan horay. In noloshu wax badan isbedesho. In qalbiyada isjeceli kala koraan. In ruuxaad dunida mar u jeclayd maalin maalmaha ka mid ah kuula ekaado ruuxaadan garanayn. Muhiimadda ay leedahay in ruuxu isagoo reerkiisa gacanqabanaya hadana naftiisa uusan ilaawin. Arimahan iyo kuwo kale waxaan kusoo qorayaa qeybta labaad.
 
Akhriste waa mahadsantahay.
 
 
 
 
 
Sharaxaad   
 
 
Cusmaan, Kaahin, Mustaf, Cawil iyo samatar dhabtii magacyo kale ayey leeyihiin.
 
 
Svenne30

 

 

Noloshayda iyo khaniisnimada (part 2)

”Qalbigu wuxuu haystaa sababihiisa ayan maskaxdu weligeed fahmi karayn”

Waxaan hubaa in nolosha dhacdooyinka soo mara inay wax ka bedelaan. Wax walboo dhacaya micnay leeyihiin. Sidoo kale waxa dhaca oo kaliya micno ma dhaliyaane, waxa aan dhicin xitaa micnay u dhiciwaayeen yaan aaminsanahay. Inaan Kaahin la kumay, in dagaal Soomaaliya ka dhacay, in reerkiisii geeri ku timi, inaan wado isaga hornimi maalin, inaan Yurub imi. Inuu Afrika ku haray dhamaan micnay leedahay. Waxaanse isweydiiyey mar danbe micnaha ku jiray inay dhici weyday in Yurub aan isla imaano. Ehhh wixii dhaca iyo waxaan dhicinba micnaa ku jiraa.

Waxaan ka imi dugsi. Aqalka waxaa joogta oo kaliya hooyadey. Markay hubsatay inaan aniga ahay waxay ii sheegtay inay doonayso inay igala hadasho arin muhiim ah. Saacad ka hor waaxa guriga timi waraaq. Waraaqdan waxay ahayd bill ka timi shirkada taleefanada. Waxaa waalidkey laga doonayaa inay baxshaan lacag ka badan 1000 dollar. Hooyaday waxaan moodaa marar inay ogtahay waxaan ku iraahdo Kaahin. Waxay tidhi ” Waan ogahay in adiga uu yahay qofka taleefanka Afrika u isticmaalay....Saaxiibkaa intaa lacagtan faraha badan ku wacayso waxaa la doorbiday inaad u dirto idinkana aad waraaq isu dirtaan” Ma filayo ilaa maanta in aabahay arintani gaartay. Noloshii wadankii cusbaa waa igu adkaatay inkastoo wax badan isku dayey la qabsigeeda. Waxaan dareemay waxyaalo badan inaan usamaynayey kaliya in layga sugayey. Waxaan isweydiiyey maxay naftaadu jeclaan lahayd? In muda dabadeed waxaan gaaray go aan.

Waxaan soo galay xafiiska qaxootiga una sheegay resebshankii inaa doonayo qof aan degdeg ula hadlo. Mudo dabadeed waxaa iisoo baxay oday da dhexaad ahaa oo ii kaxaystay qolkiisii. Waxaan usheegay inaan doonayo inaan wadankaan ka imi laygu cesho. Mr Forsmark weligii cidi kuma oran ha lay cesho. ”makaa dhabaa ayuu iweydiiyey” Haa ayaan ugu jawaabay. Wuxuu i yiri dadku waxay halis ugalaan inay halkan yimaadaan, adna waxaad ileeday ha lay cesho. Waxaad u baahantay dhaqtar. Mr Forsmark wuxuu wacay meel kadibna waqtaa layga qabtay haweeney la kulankeedii wax badan ka bedelay noloshaydii.

Mrs Blomqvist, islaan lixdamaadkii gaadhay bay ahayd. Waxay ii sheegtay inay tahay psycologist, inay leedahay sirqarsoodi (macnihii aysan waxaan u sheego aysan cidna gaarsiinayn). Waxaan u sheegay in inan (ileyn kumaan odhan karayn inan ama wiil) aan isjecelnahay ay ku nooshay Afrika jeclahayna inaan wada noolaano. Waxay igu dhiira gelisay inaan ka wardoono hablaha wadankan kunool. In waxaan qaban karay qabtay. Waxay degdeg iga caawisay inaan aqal kaligay dego. Waxayna jeebkeedii iiga deeqday qarash aan ku iibsado alaabo yaryar ee aqalka uga baahnaa. Waxaan noqday qofkii ugu horeeyey ee aqalka ka guuray. Waalidkey iyo walaalahay wey ku adkaatay inay fahmaan. ”Samantar maxaa nagu nacday” ayey hooyadey iweydiisay? Namaad jeclid miyaa hooyo? Weligay ma ilaawayo hadalkaa.

Waan is wacnaa aniga iyo Kaahin wiig walba. Wuxuu iweydiiyaa inaan ku faraxsanahay noloshan Yurub? Inamo kale mala kulantay? Goormaa ii imanaysaa? Waxaan usheegay hadaan utagayo oo kaliya waa inaan sanad oo dhan kaydiyaa lacag. Xaaladiisa waan ka warqabayoo wuxuu aad u caawin jiray walaalkii dagaalada ku dhaawacmay. Kaasoo ubaahnaa caawimaad 24/7. Wuxuu reerkiisii u noqday in ka badan aabe iyo hooyo ilaa uu naftiisii ilaaway. Qalad ha iga fahmin akhriste. Waa muhiim in ruuxu uu reerkiisa caawiyo. Anba waa uhuri lahaa wax badan reerkayga. Waa muhiimse inta kalee xubnaha reerkiisa inay kubiirshaan waxay kari karaan. Waxay xaaladu noqotay in Kaahin soo shaqeeyo, soo iibsho, ukarsho, u dhaqo........

Dugsiga aad ayaan ugu wanaagsanaa. Hadaan fasalka kaalinta koowaad galin tan labaad hoos ugama dhicin. Waxay durbaba isiisay reerka tixgelintiisa iyo amaantooda. Waalidkey aad bey usoo dhoweyn jireen fikradahayga. Sidoo kale ayey macalimiintana dugsiga iisoo dhaweyn jireen. Magaranayo sida suurtagal ku ahayd inaan sidaa ugu wanaagsanaado dugsiga, maxaa yeelay waqtigan wuxuu ah mid dareen iyo shucuub ahaanba aan aad u xumaa. Waxaa suuragal ah in maqalka ”Samantar waa inan wanaagsan” ay igu filayd. Ileyn horaa loo yiri qalbiga cidlada ah erayga dabacsan wuxuu ula dhigmaa sida guga roobkoo kale.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaanu lahayn cashar dugsiga ah kuna jahaysnaa bushada. Macalimadii Ms Westerlund-Larsson, waxay na ogaysiisay khaniisnimada inay tahay wax caad ah oo ruuxu xor uyahay. Inay jiraan shuruuc difaaca dadka noocaa ah. Waxay inoo sheegtay in dadka 5-10% ay khaniisiin yihiin. Inay jiraan ururo dhalinyaro oo khaniisiinta ay leeyihiin. Taleefanadoodii yey boodhka ku qortay. Waan ka cabsiqabay inaan meel kuqorto, se maskaxdaa ku kaydiyey. Waxaan diidayey in ardada kalaaska arkaan inaan taleefanada xiisaynayo. Waxaan in mudo ah cabsadaba waxaan maa_link_ii danbe wacay nambarkii. Waxaan ka war helay inay dhalinyaradu isu timaado wiigii dhowr jeer, inta isu timaada waa dad caynkaa oo kalaah runtiina wey igu soo dhaweeyeen inaan soo booqdo. In muda ah dabadeed mar fiid ayaan geesinimo is gashay oo soo booqday. Baqdinta igu jirta lama qiyaasi karo. Waxaan moodaa in umadoo idil ii jeedo. Waxaan marar ku fekarayaa in waxan qaldanyihiin dhaqankeena iyo diinteena, mar waxaan ku fekerayaa inaan qiyaamayo Kaahin. Mar inaan ceeb usoo jiidayo reerkayga. Si saktaba ha ahaatee meeshu wax weyn kalama soo kulmin ee dhalinyaradu waa iska sheekaysanayeen oo is weheshanayeen. Waxaanse ogaaday inay meeshu club leedahay oo weekendka laisu yimaado. Woow.

Waa habeen sabti ah. Waxaan ilaa shalay ku jiray qabanqaabada tegista gayclubka. Waxaan wacay Kaahin oo usheegay. Ma fahmi karo imika waxaan ugu sheegi jiray waxyabahan oo kale maadaama shakigiisu iska badnaa waqtiyadan. Cabsi xoog lahaa igu jirta. Bilihii lasoo dhaafoo dhan sidaa oo kalaan weekend walba isu diyaarinayey natiijo la aan. Waxaan ka cabsi qabaa walaalahay oo sida caadada ah iyaguna magaalada soo gala habeenada fasaxa ah. Markaan diyaar noqday waxaan go aansaday inaan taxi qaato. Taxigii wuxuu idhigay clubkii horti. Waa gariirayaa anigoo idil. Cabsida welwelka igu jirta lama qiyaasi karo. Kolkaan soo galayba waxaan durbaba iga horyimi nin macalimiintayda dugsiga ka mid ahaa. Iga rumaysta wadnuhu inuu i joogsado yaa kusigtay. Mr Stefan? Ma khaniisbaa mise aniguu i ogaa imaanshahayga? Ma waalidkey yuu usheegayaa? Mise fasalkoo idil? Shucuurtii intay iga badatay ayaan suuligii isku soo xiray. Waxa intaa dheer in Mr Stefan iyo Ms Westerlund-Larsson ay isla bixi jireen oo xiriir cusub lahaayeen. My god! Ilaa iyo imika Mr Stefan iskalamaan hadal arinkan. Waa ogaaday inuu khaniis ahaa.

Mudo yar dabadeed waxaan isla habeenkii lakulmay Linus. Wuxuu ahaa dadayda oo kale, ruux bilic qurxoon hadana xaafad reerkayga u dhoweyd deganaa. Hooyadii iyo aabihii duuliyeyaal ayey ahaayeen. Waanu sheekaysanay xoogaa ilaa aan ogaado in isku dugsi dhigano. La yaab! weligayba horay umaan arag. Waanu kala tagnay

habeenkii kuna balanay inaynu is aragno. In mudo ka dib Linus wuxuu noqday qofkii ugu horeeyey aan la seexdo wadankan. Runtii waan iska helnay mudo yar dabadeedna igala hadlay xiriir rasmi ah inaynu samaysano. Waxaa jirayse lugage aan sitay. Kaahin. Waxaa kaloo jiray aragtida iyo sharafta reerkayga oo ilaalo iiga baahnayd Aniga iyo isaga waxaa heshiis ku ahayn inuusan ilaba hadal hadaan dad kale ku dhexjiro baqdin darteed in lay ogaado. Maalin waxaa dhacday in anigoo walaahay meel cafe ah wada fadhina in Linus soo galay. Ma ilaawayo dhacdadaa. Linus siduu usoo socday waa noo yimid. Walaalahay iyo asxaabtii kale yuu gacanta ka salaamay aniga big hug isiiyey. In yar yuu nala fariistay misana noo sheegay inuu sii baxayo. Markuu tagay ayaa walaalkay iga weynaa Yoonis yiri ”inanku khaniis yuu u ekaa xagee ku baratay” waxaan ugu jawaabay in isku dugsi aynu nahay. ”Yeelkeede ka har waxan oo kale...maalin aan fogayn yuu iwas ku odhan doonaa.....maan jecli khaniisiinta” ayuu yidhi. Xiriirkeenii markaa ayaa udanbaysay. Waxaan ka welwelayey waa ay dhaceen. Adigu qarsoodidaa ayaan ku jiray oo inamada kula kulmi jiray marar. Ilaa dugsigii aan kabaxo durbadiina jaamacada bilaabay.

Aan usoo laabtee Kaahin. Waxaa timi fursad muhiim ah. Waxaa suura gashay in aabahay Visa iyo tigidh wadan kaloo Yurub ku yaal u helay labo ruux Kaahin iyo reerkiisa. Waxaa igalay rajo weyn iyo farxad balaaran. "Nasiibdaro" Viisadii waxaa kusoo baxay walaashii iyo walaalkii. Waan fahmi karaa imika laakiin ma sahlaneyn waqtigaa. Waxaan goaansaday inaan iska gooyo xiriirkiisa. Waxaan istusay in inankani xiriir doonayn. In waxaan qaban karay qabtay. Dareen iyo shucuur badan iga gashay ana caafimaadkayga waxyeelo ku imankartay. Runtii waan sii daayey fekerkiisii. Waraaqihiisii iyo sawiradiisii aan kaydinayey waqti oo dadka ka ilaalinayey aduunkoo dhana iiga qaalisanaa intaan jeexjeexay yaan qashinka ku riday. Taleefankii iska bedelay. Sanadadii xigay waxaan taleefanayda bedelay malaha toban jeer in ka badan isaga dartii. Maxaa yeelay xiriir ayuu reerkayga lalahaa mar walba waa lasoo siinayey nambarkayga cusub ana bedelayey ilaa aan goaansaday inaan taleefan aqalba iska jaro.

Niyadeydii waa ka baxay Kaahin. Waxaan bilaabay inaan hablo iyo inamo la seexdo badaanase inamadaan la bixi jiray. Waqti waxaan u helay naftayda. Culayskii badnaa waa iga hadhay. Shukaansi iyo waxbarasho ayaan udhaxeeyey. Waxaan la kulmay dad raad igu reebay, kuwaan wax ka bartay, kuwo i jeclaaday, kuwaan ka aniga helay. Jaamacadii waa ka baxay durbaba. Waxaan reerka ka helay qarash abaal marin ah. Waxaan fursad u helay inaan wadanka dibeda uga baxo. Wax badan oo ku saabsan khaniisnimadasoo. Sida markaan tagay club kuyiil magaalada Copenhagen. Laba bilood kadib waan soo laabtay. Waxaan durbadiiba shaqo wanaagsan ka helay company weyn. Markaan sideed bilood shaqeynayey waxaa habeen saq dhexe ii yimi taleefan. Qiyaasa ruuxa isoo wacay Kaahin. Salaan gaaban ka dib wuxuu ii sheegay inuu sadex cisho horteed soo galay Yurub. Inuusan fursad uhayn inuu ii yimaado maadaama uusan sharci helin laakiin uu jeclaan lahaa in aniga utago. Wuxuu kaloo iisheegay inay wanaagsantahay inaan isku meel kunoolaano. Markaan weydiiyey siday ku suuroobaysana wuxuu iigu jawaabay inaan aniga fursad aan ugu guuro xagiisa ay ii fududadahay. Xoogaa lacag ah ayaan udiray si baahidiisa udaboolo. Maanan seexan habeenkaa iyo habeenadii xigayba. Nolosha aniga iyo Kaahin meelo kala duwan ayaan kala maraynaa. Miyey suuragaltahay inaan isaga tago noloshan, reerkayga iyo shaqadan oo aan hadeer wadan cusub tago?

Sideed bilood dabadeed waxaan aniga iyo Kaahin fadhinaa cafe ku dhowaa hoteelka aan kusoo degay ee magaalada Strassbourg. Waa isbedeshay bilicdiisii. Malaha waa dhibaatadii uu soo maray. Hadalka sidii horoo kale maaha. Marar qaarkood maan fahmi karin ulajeedada hadalkiisa, marar qaarkood erayada uu isticmalayey micnahoodaba maan baran. Labiskiisu aad ayuu uga duwantahay kan meeshaan joogno. Waxaan isku dayayaa in indhahayaga kulmaan, laakiin bilicdiisa meel kalay u cararaysaa. Way ku adagtahay inuu fahmo sababta aan xaafadiisa ugu soo degi waayey. Waa isku dayey inaan u faahfaahiyo sababta. Runtii safar shaqaa ku imid magaalada 3 cisho. Waxaan la socdaa labo ruuxoo kaloo cadaan ah. Wuxuu ii sheegay inuu helay labo shaqo oo suuqmadow ah. Company nadaafada ah yuu u shaqeeyaa. Reerkiisa waa caafimaad qabaan laakiin weli sidii ayuu u caawiyaa markuu shaqada kasoo baxo. Nadaafad, raashin karinta.......wax walba isagaa isku daya. In yar dabadeed waxaa timi walaashii Nimco. Waxaa moodaa inay ka caraysantay sababtaan isu qariyey oo reerka usoo salaami waayey ileyn waataan walaalaha ahayne.

Waxaa iisuura gashay inaan tigidhakaygii laba ayaamood ku darsado si aan usoo salaamo. Labadan cisho waxaa iisuurowday inaan soo eego aqalkiisa iyo siduu u noolyahay. Akhriste Kaahin waa ruux aad u habaysan. Waxaan la yaabay sida wax walba aqalkiisa loo habeeyey. Cunto wanaagsanayd uu inoo sameeyey dabadeed ayaanu sheekaysanay. Waxaa ii soo baxday dhinac kaloo aanan war uhayn. Aqalka waxaa yaalay dhar dumar...diracyo, masaro, googarado, hablaha naasaha alaabaday ku xidhaan, waxyaalo dumarku jidhka marsadaan......Kaahin wuxuu xidhaa dharka dumarka. Waxaa mudo dabadeed ogaaday inuu ku riyoonayo siduu dumar u noqonlahaa. Sexchange process ayuu rajeynayey.

Anigii waxay igu noqotay naxdin runtii. Maanan filayn. Waxaa ii soo baxday qofka Kaahin yahay. Khalad ha iga fahmina. Ruux walba wuxuu xaq uleeyahay inuu noqdo ruuxuu doonayo. Laakiin aniga maahan ruuxaan mar jeclaa. Inkastoo jacaylkeenii beri hore dhamaaday, hadana waxaan dareemayey in ruuxii uusan ahayn. Waa iga dhab in ruuxan hortayda fadhiyey uu ahaa qof igu cusub. Ileyn qalbiyada isjeceli waa kala koraan. Ileyn waqtigu boogta waa daweeyaa...mise waxaynu baranaa inaan noolaano boogtoo nagu taal. Ahhhh waxaan hubaa in waqtigu boogta daweeyo. Waan ku faraxsanahay in Kaahin noloshayda ka mid noqday, waan ku faraxsanahay waxaan soo wada marnay. Waan ogahay inuu ruux wanaagsanyahay. Waan ogahay qalbigiisa iyo intuu i jeclaaday. Wax badan ayaa nolosha ka bartay. Waxaan bartay in jacalku sidiisaba qalbigu yahay.


Akhriste waxa isweydiiyey.....Maxaa dhici lahaa hadii reerkiisa dhibaata ka fakan lahaa? hadii berigii aan isa soo raaci lahayn? Suaalo badan jawaabtooda weligeen ma heli doono waase banaantahay in laysweydiiyo. Maanta xiriir malihin aniga iyo Kaahin haba yaraatee. Waxaan ogaa in sexchange usocday. Waxaan nolosha u rajeynayaa in siduu jecelyahay uu kahelo. Waana hubaa in qalbigayga intii xusuus wanaagsan oo aan soo marnay ay kuharayso. Guuldarada denbi maaha, waxaase daran in iyadoo agenda qaldan la wato laguulaysto.Waxaan hubaa oo kale in Mrs Blomqvist ahayd ruxii meel dhow wax iga tusay. Waan ku amaanay marar badan caawimideedii. Malaha waxay la kulantay dad badanoo sidaydoo kale ahaa. Waxaa moodaa inay i ogayd, i arkaysay, ila socotay, inay dareemaysay waxaan rabay ama iga maqnaa. Caawimaadeeda wax weyn bay i xoraysay maskixiyan. Waxaan fursad u helay inaan raadsado waxaan rabay, in aan lugahayga ku joogsado. Waxaan rajeynayaa in teenage soomaalida ah ee marxaladan maraya ay helaan caawimaadaasoo kale.

Akhriste mahadsanid.


Sharaxaad

Kaahin, Mr Forsmark, Mrs Blomqvist, Samantar, Mrs Westerlund-Larsson, Mr Stefan, Linus, Yoonis iyo nimco dhabtii magacyo kale ayey leeyihiin.

Kaahin ma degana magaalada Strassbourg ee magaalo kalaan kulanay.
 

Svenne30


Quote this article on your site

Comments (14)
1. 29-12-2009 17:41
 
salaamaad sxb svenne30  
runtii waa qiso aad u macaan una baahan in dhowr mar lagu laabto akhrinteeda laakiin saaxiboow ma is leedahay mar kale inaad kulantaan kaahin oo runtii ah nin aad u samir badan mise maadaama uu isna ku soo biiray bahda dib ayaad uga degtay xiriirintiisa ? hadii taasi jirto walaal waad qaldan tahay kana raali noqo kalmadaas ah ( waad qaldantahay ) ogoow inuu kaaga baahan yahay inaad ku soo dhaweyso xitaa bahda dhexdeeda maadaama aad ka qibrad badan tahay tan kale waxan rabay inaan su,aal gaaban weydiiyo dhamaan bahda ( asxaabta ) waxay tahay  
MARKAAD MAQASHO KALMADA AH KHANIIIS / maxaad dareemeysaa ? miyaad xanaaqeysaa ? maku farxeysaa ? waan idiin mahad celinayaa dhamaan aqrista yaasha
IP: 94.129.170.88
Registered
 
dhaashane
2. 25-05-2009 22:37
 
Salaamad Daacad 
 
Walaal erayadaada waa kaaga mahadcelin. Waa ku saxantay in dhacdadu wax walba ayan ku dhamayn. Waxa jira dhabtii sabab keenaysa in dibada aan lasoo dhigin wax walba. Wan soo ifiyey in noloshani tahay waxan sahlanayn lehna farxad iyo murugo. Markale waan kusoo noolaan lahaa noloshayda haday fursad kale jirto waxna kaman bedeleen.  
 
Runtaa weeye maskaxuhu ama qalbiyadu waa kala koraan waqtiguna badan ayuu bedelaa.
IP: 85.24.143.126
Registered
 
svenne30
3. 13-05-2009 17:47
 
walaal qisad waa mid aad qiiro u leh markaan akhrinayay waxay igu noqotay inaan flim fiirsanayo. 
waa jirtaa in dadku maskaxdoodu kala korto wakhtiguna wax badan uu badalo. 
qisadaan saaxiibkeen intuu daboolay waxaan uqaatay inaysan munaasab ayan inu ku sheego golaha dhexdiisa.
IP: 89.240.99.0
Registered
 
daacad
4. 09-04-2009 06:51
 
Salaamad Khaniis_xor_ah 
 
 
Mahad ayaa kaaga naqayaa erayadaada. Waxan isku dayey in qisada aan isku dheeli tiro laakiin mar walba anigaa soo gudbiyey dhalinaysana inaan dhacdada dhankayga ka warbixiyo. 
 
Waxyaalo qaarkood waa runtaa waan ka gaabsaday maadaama ay dad kale ay noloshaydii soo mareen, igana istaahileen mudnaan iyo dhowrid.  
 
Markay tahay inanka aanu is jeclayn iyo aniga waqtigaanu qeybsanay waa koobnaa, sida qisada ka cad. Magaranayo cilmi ahaan in khaniisnimadu ku dhisantahay dhaldhalaal gaaban iyo khiyaano inkastoon ku fahmayo. Waxanse aaminsanay in farxadu qofku samaysto in badan. Hadii ruuxu naftiisa runta usheego kuna qanco khaniisnimadiisa waa usahlanaanaysaa noloshu farxadna u keenaysaa. Ruux aan naftiisa ku qanacsanayn sidee ruux kale u qancin karayaa? 
 
Waxaan bartay sidan qisada ugu soo gudbiyeyba in qalbiyada isjeceli kala koraan. Weligay ilaawi maayo kulankeenii ugu horeeyey iyo kulankeenii Yurub. Iyo in wax badan ay yihiin WAQTIGA....Waqti walba heer ayuu ruux kastaba marayaa! 
 
Walaal mar kalaan kaaga mahadcelinayaa erayadaada! 
 
Inankaan isjeclaynoo, eynigaygiiyoow. Ubax iyo ugbaadiyo, ileyska cadceedoo 
Waan ooyayaayee adiguna ilmeeyoo, aan is aamusiinee, agtayda kaalay.... 
 
Hees soomaali ah
IP: 85.24.143.126
Registered
 
svenne30
5. 07-04-2009 18:31
 
salam!! 
waa qormo fican lakiin aad mooda in inta badan dhinac uun wax ka socdan oo dhici kale wax dadan yihiin ama aad ka il duufayso waxyaabaha qaar ka hadalkooda, si walba ha ahaate anigu waxan qaba Noolasha khaniis nimada ayaa ku dhisan uun dhaldhalaal yar oo koban oo mudaysan iyo maalmo khiyaamo ay ka buuxdo, waa noolol aan farxad badnayn sida ay u dhadhan badan, aan hadalkayga ku soo koobo uun in aan kaga mahad celiyo inta aad waayahaagi noolasha nala qaybsatay
IP: 78.82.224.185
Registered
 
khaniis_xor_ah
6. 03-04-2009 20:27
 
Salaamad Zaki, 
 
Mahad ayaan kaaga celinayaa erayadaada wanaagsan. Dhib maleh in rayigaaga dhiibatoo dhaliil usoo jeediso qoraaga aragtina ka dhiibato qisada dhacdadeeda. Sabab aad ucudurdaarato ma jirto walaal. 
 
Walaal jawaabahaaga hadaan usoo laabto: 
 
Maxaa sababay in si sahlan ku ilaawo Kaahin? 
 
Jawaab: Walaal si sahlan kumaan ilaawin runtii. Waxuu ka mid yahay ilaa iminka qeyb noloshayda. Wuxuu aha jaceylkii iigu horeeyey....taana waxaa dareemi karoo qura ruuxay soo marto. Markaan imi wadankan waxaa in muda ah ku jiray jihawareer oo ay sabab u ahayd Kaahin maqnaanshihiisa. Waxaan gaadhay in dugsiga aan ka hadho 2-3 bilood. Waqiga qisada ku cad een sugayey runtii inta waa ka badneyd, waxaase igu adag in Kaahin ka faaiidaysan waayey fursada imanshaha Yurub, maxa yeelay aabahayaa u helay labo mar fursadaa. Waa kolkaa ogaaday in marxaladan aan lagu jiri karayn intii la doono. Marka ruuxu dadiisu yartahay wuxuu leeyahay hormons jidhka dareenkiisa doonayana tijaabinta wasmada. Walaal ma sahlana in adigoo waqtigaa maraya aad jaceyl aan macquul ahayn wadidiisa aad intaa doonto rajeyso.  
 
Wiilka cadaanka ah waanu kulanay xiligaa....se wuxuu noqon karayey cidii la doono. Qalad ilama ahayn kulankiisa inkastoo aan wax walba usheegi jiray Kaahin. Iminka maan fahmayo waxay ku kordhinaysay in talaabadaan qaadayey mar walba aan la socodsiiyo.  
 
Xaqiiqdii waxay ahayd in wax badan aan ilmeeyey, dareen badana iga galay, dhaqaalena sidoo kale. Kamaan shalayn laakiin waxaan aaminsanay in qalbiyada isjeceli kala koraan. Habeenkaa Kaahin arkeyey ruuxuu ahaa maanta maaha. Dadkoo idilina way koraan oo nolol kale samaystaan kolkay fursad uhelaan. Waa xaqiiq dhab ah.  
 
Walaal sheekadaa donaysaa in aan siiwado:  
 
Kaahin waqti isma maqal. Waxyaalo badan kalama socdo. Waxaan filayaa in sexchange uu meel fog umarayo iminka. Cajab waxa leh in marar uu iweydiin jiray: Sidan u arki lahaa haduu naaso sida hablaha yeesho? Waxaan aad uga xumahay in waqti hore uusan fursad uhelin inuu noqdo ruuxuu doonayey noqoshadeedii.... 
 
Kaahin:  
Walaal qisadan adaan kuu hibeeyey…waxaan rajeyn in peace naftaadu hesho. Wax badan ayey iiga qaalisantay inaad PEACE hesho. Waan ogay hamigaaga iyo halka naftaada doonaysay inkastoon waqti danbe dhabtii ogaaday, kumana riyoon weli inaan kaa hor joogsado. Inaad gaartay waan rajeyn ….Waad ogayd hamigayga naftayda doonaysay, waana noqday ruuxaan doonayey inaan noqdo. Waa ogay in qeb aad katahay, maan noqdeen, hadaanan kula kulmi lahayn adiga. Waan kaaga mahadcelinayaa waqtigeenii. In kastoo xanuun badan isoo maray aan wax badana kufay hadana adiga wanaagaagii ayaa quwad isiinayey aan ku joogsado. Marar kalena xanuunkaagaa quwad isiinayey. Lakulankaada waxay fursad ii siiyey inaan dareenkayga tijaabiyo dhowr jeer. Waxaan ogsoonay in dadka dunida sida wanaagsan unoolaaday ayan ahayn inta waqtiga dheer noolaatay ee ay yihiin dadka daqiiqad walba ay noolaadeen u noolaadey si raaxa iyo wanaag leh. Waad ogtay in waqigeenii gaabnaa si raaxa iyo wanaag leh aanu usoo noolaanay. Kaahin ka raali noqo xanuunkaan kuu sababay walaal….weligay waan ku xusuusnaan doonaa…Noloshu maahan maalmaha tegaye waa maalmaha la xusuusto.  
 
Sharaxaad 
 
Kaahin dhabtii magac kale ayuu leeyahay.
IP: 85.24.143.126
Registered
 
svenne30
7. 31-03-2009 15:17
 
hi walaal 
 
wallahi sheekadaaada qiiro ayey leedahay noloshana sideedaba waa journey socda.. 
 
sxb waxan rabay inaan ku weeydiiyo waa adigii (kaahin) jeclaa adinkoo somalia weli ko nool waa wiilkii kugu yiri aan is guursano. nairobina markaad isku aragteen sida aad sheektay markaat dhoofeesay in airpotka ku ilmeeyey waxa ka ilmeeyeyna uu ahaa jeceyl uu kuu qabay.. su'aashayda, maxaa sawa'way inaad si fudud ku iloowdo? after u went gay club 
 
oo aad la kulantay wiil cadaan ah oo aan si fiican u garanayn i mean how come? plz don't get me wrong inaan ogaado ayaan rabaa oo keliya sawabta. waayo waad is jecleeden si xad dhaaf ah marka maxaa saba'bay inaad si easy ah ku iloowdo ur lover? 
 
waxan u maleenayaa in (kaahin) 
 
aad ka gardarneyd sorry 2 say.. 
 
aboowe sheekada hada xagey ku dhamaaday fadlan noo sii dhamestir xaguu ku danbeeyey kaahin muu sameeyey siduu ku qanci lahaa oo ahayd inuu noqdo transsexualy? 
 
aad baad u mahadsanatahay raali gelin hadii su aalahayga ay qaldan yihiin lol 
 
love 
zaki
IP: 41.145.138.106
Registered
 
gay,somalia
8. 30-03-2009 10:08
 
Naaxiyadda salaamad walaal.  
 
Aad ayaan kaa mahadcelinayaa fikradaada. Waa runtaa waxaa moodaa in lagu jiro halgan dheeroo udhexeeya qarinta xogta iyo qanaca nafta. Ruux walbaa si ayey khaniisnimadu usoo martaa, ruux walbabana meel ayuu nolosha kol walbaba ka maraa iyadoo ficilo kala duwan ka dhacayaan nawaaxigiisa. Waxaan is idhi waxyaalo badan waxay ku xidhantay timingka. 
 
Waxaan jeclaan lahaa in dad badani isku dayaan inay nala qeybsadaan dhacdooyinkooda nololeed maadaama noloshoo dhani tahat barasho....waxay caawimi kari lahayd inta kalee maraya marxaladaha kala duwan 
 
Mahadsanid walaal
IP: 85.24.143.126
Registered
 
svenne30
9. 29-03-2009 18:51
 
:cry Sheekadu meelo badan ayey nuxur culus ka leedahay, waxay xambaarsan tahay nolol maalmeedka khaniisiinta soo food saara, sida naxdinta u dhexaysa qarinta xogtaada iyo qancinta naftaada, Allaylehe sheeko macaan iga dheh.
IP: 193.219.228.6
Registered
 
Naaxiyadda
10. 25-03-2009 00:19
 
Ahmed salaamad walaal. Mahad ayaan kaaga celinayaa erayadaada wanaagsan. Sidaad u sheegtay ayaan qabaa in asxaabtu soo bandhigaan sheekooyinkooda oo nala qeybsadaan. Weji walba waxaa kadanbeeya dhacdo qaas ah oo istaahisha in la magacaabo. Waa kaaga mahadcelinayaa markale erayadaada dhiirigelinta leh.
IP: 85.24.143.126
Registered
 
svenne30


 
< Prev   Next >

In Chatroom Now

Homophobia

What is Homophobia?

If you want to know about this subject please click on this link: http://www.avert.org, It will lead you to AvertT which is an international HIV and AIDS charity based in the UK, working to AVERT HIV and AIDS worldwide.

Polls

Did you find this site useful?
 

Who's Online

We have 30 guests and 1 member online

Accommodation